Cawil wadadii suuq Ansalooti ayaa uu soo
abaaray inta uu Muna fiiriyey ayaa uu ku yiri.
Cawil:
Muna maxaad u aamusan tahay mise waad cabsaneysaa
Muna:
Maxaan ka cabsadaa Cawiloo ee waxa uu qalbiga
I leeyahay wiilka waad dhibtay.
Cawil:
Taasi aniga ma qabo ee mid ma ku weydiin karaa
Muna:
Haa maxaad I weydiineysaa
Cawil:
Xaafada ka waran ma la imaan karaa yaase joogo
Hooyo, Aabe iyo walaal
Muna:
Qoyska aniga ayaa u weyn hablo iyo wiilal waa
ay iga yar yihiin aabe waa joogaa sidoo kale hooyo waa joogtaa balse iminka
waxaan la noolahay Eedadey reerkayga waxaa ay ku nool yihiin magaalo xeebeedka
Merka
Cawil:
Maasha Allah reer xeebeed ayaad tahay halkaan
ilaa iyo meeqo ayaad joogtaa micnaha Xamar
Muna:
Cimrigeyga oo dhan hadaan dhaho xataa waa ku
saxan nahay aniga markii uu wiilkii igu xigay ay hooyaday dhashay waan ka
maseyray sidaa ayaa waxaa I soo kaxeysatay Eedaday oo aan iyada ilmo laheyn oo
aniga oo socod barad ayaa Xamar la ii keenay hadda ma fahamtay
Cawil:
Si fiican waxaan dareemayaa gabar shar yar ma
tihid micnaha maseyrka yaraantaadii ayaaba taqaanay
Muna qosol oo kaliya ayaa ay ku jawaabtay
Cawil ayaa hadalkii sii qaatay oo yiri
Cawil:
Quruxdaada cid kale oo ku ashqaraartay ma
jirto micnaha xiriir cid mala leedahay
Muna:
Xiriirkaba waan ka cabsadaa
Cawil:
Sidee ma xariir hore oo aad ku guuldareysatay
ayaa jira
Muna markiiba waa ay ka booday sheekada oo doontay
in aysan waxba kaga sheegin xiriirka Saciid waxay la soo booday
Muna:
Maya ee xiriir badan oo guuldareystay ayaan
marqaati u ahaa
Cawil:
Ma intaas oo kaliya neef ayaa iga soo fuqday
Muna:
Maxaa jira maxay tahay waxa aad ku neef
qabatintay
Cawil:
Waan cabsaday oo waxaan is iri gabadha armee
xiriir guuldareystay leedahay oo ay kugu adkaataa in aad ka dhaadhiciso in
aadan xumaan u socon
Muna:
Hadaba taa kuuma fududa mana ihi qof si sahlan
lagu kasban karo
Cawil inta uu jawaabin ayaa ay Muna ku tiri
halkaan jooji una sheegtay in ay soo adeeganeyso Cawilna waxa uu ku madax
adeegay inuu sugayo maadaama ay Muna u sheegtay in gurigooda uusan fogeyn
markiibana waa degtay oo ay suuqa u dhaa dhacday
Muna maadaama uu wiilka ku madax adeegay inuu
sugayo ayay u soo deg degtay oo kuma aysan soo daahin
Cawil isaga oo baabuurkiisa weli ku dhex jiray
ayay Muna u timid oo ay ku tiri
Muna:
Haye ma kugu soo daahay
Cawil:
Maasha allaah waad soo deg degtay
Muna:
Haye xaafada ma foga hore noo sii wad
Cawil:
Muna macquul miyaa in kulankeena uu intaan ka
bado oo aan xaafada kugu imaado
Muna:
Waad deg degeysaa Cawil
Cawil:
Deg degsiimo ima heyso ee waxaan rabaa in
qaladka aad iga aaminsatay in aan kaa saaro Muna walaahi aniga qof xun ma ihi
si dhab aha ayaana kuu jeclahay
Muna:
Jaceylka meel noo dhig oo kaasi laguma deg
dego in la sheegto adiga laf ahaantaada waxaad u baahan in aad wax badan iga
barato yeysan quruxdeyda ku qaldan oo wax badan iga baro
Cawil:
Walaahi aniga barasho kale iguma kaa laabna
laakiin fursad isii oo kaliya oo waxaan rabaa in aan xaafada kugu imaado
Muna:
Hagaag halkaan jooji gurikeena waa kaa geedka
ku horyaala ma aragtaa haddii aad jeceshahay in aad ii timaado waad ii imaan
kartaa haye maxaa kale
Cawil:
Maasha Allah habeen dambe haddii aan kuu
imaado ka waran
Muna:
Hagaag cishaha kadib waad ii imaan kartaa
deyrka guriga waxaa fadhiistaan eedo iyo Ninkeeda marka waad soo gudbi kartaa
oo in aad salaanto oo kaliya ayaa lagaa rabaa kadibna soo gudub
Cawil:
Aniga waan cabsanaa ee adiga banaanka soo
fadhiiso sidee
Muna:
Jaceylna waa uu ku haayaa waadna cabsaneysaa
waa kuwa aan is raaci Karin
Cawil:
Laakiin Muna!
Muna:
Laakiin Muna maaha geesi iska soo dhig oo
imaaw kuna dheh Muna ma joogtaa waan hubaa iyada ku dhihi doonto hore u gal
Cawil:
Maxaa diidayo in aad adiga banaanka ii soo
baxdo oo aad I geesi geliso
Muna:
Tani wa imtixaankii ugu horeysay ee
jaceylkaaga deyrka ka soo gudub oo guriga hore u soo gal quruxdaa la
ashqaraarto ayaad arkaysaa
Cawil:
Hagaag geesi ayaan iska dhigi doonaa
jaceylkayga dartiis
Muna:
Haye aniga waan sii degayaa qeyr ayaan isku
ognahay kolay beri Jaamacad ma jirto waad nasaneysaa
Cawil:
Haa Maasha Allah habeen dambe ayaan is arki
doonaa
Muna sidii ayay gaariga kaga degtay kuna
macasalaameysay Cawil oo ilaa ay guriga ka gasho fiirinaayey wuxuuna markii uu
xaqiiqsaday in ay gurgia gashay ayaa uu baabuurka soo kala jiireeyey oo uu soo
baaray xaafadiisa.
Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq
waxeey hada ka socota RadioTolmawaaye.....
https://tolmawaaye.blogspot.com