Waxaa foodda inagu soo haya oo ay ummadda muslimiintu isu diyaarinayaan maalinta ciiddal carafa, Cooking with Hafza ayaa natusinaysaa macmacaanka ciida oo hab fudud loo samaynayo.
Macmacaankaan ay Hafza ciida ugu talo gashay ayaa ah miiska kuu qurxinaya caruurta iyo qoyskana ka farxinaya.
Habka diyaarinta:
Waxaad u baahan tahay
Koob Caano ah oo qandac ah
2 Qaado iyo bar khamiir ah
2 Qaado iyo bar sonkor ah
Cusbo
4 koob oo bur ah
2 Xaboo oo ukun ah
Canoo garoor (yogurt)
3 Qaado oo lows shiidan ah (almond)
Qaado saliid ah (canola oil)
Waa la isku qasayaa, waxaa la sugayaa mudo 1 saac ah. Marka burku si fiican uu usoo kaco waxaa lagu darayaa naacnaac shiidan (mint) si ay u carfiso, kadibna waxaa la dhex gelinayaa timir.
Sawiro
No comments:
Post a Comment