www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Monday, August 8, 2016

Hees Qoral iyo muqal ah oo ku luukheyaayo Cumar Dhuule Cali magaca heesta waa:: Waa Jacayl Aboodiya

Waa Jacayl Aboodiya XAASUUUS

Waa jacayle aboodiyaa
midka ila arooree
la itaal dareeyee
asaagee iga reebee
waa adi daraadaa
waxa lay ambinayaa
aan aduunka joogee
ha i geeynin  aaqiro
hay ahaan nacabeey
adoon iiga adkeysan
ayaa lay af duubin

Aafidii aan kuu qodey
ha ii uuban dayninee
ha is oran inanku
wuu kuu ilduufey
af libaax inaan galay
adba waad ogsoontee
abrisaan wax deeniyoo
ha i siin abeesee
aan aduunkaa joogee
ha i geeynin aaqiro
hay ahaan nacabee
adoon iga adkeeysan
yaan lay af duubin

Anba dhib kuuma geeysanin
waxaad iigu iloowdey
ayaan daran fanteyda
ii kaa arkootee
aan adimadeydoo
eedsadoo isheydii
aan aduunka joogee
ha i geeynin aaqiro
hay ahaan nacabee
adoon iga adkeeysan
ayaan lay af duubin

Halkan ka Daawo 



No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh