www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Sunday, May 15, 2016

CALANKA SOOMAALIYA Maxaad ka taqanaa Taariikhda iyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12 ka Oktober?


Calanka Soomaaliya waxaa la hindisay 12 Oktoobar
1954tii . Calanka Soomaaliya ayaa sameeya Allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan. Calanka
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uu ugu horayntiiba u taagnaa, astaanta qaranimada Soomaaliya xiligii uu dalku gacanta ugu jirtay Gumeystayaashii Ingriiska iyo Talyaaniga, Xoriyadiina wuxuu noqday Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.
TAARIIKHDA CALANKA
Calanka Soomaaliya waxaa la sameeyay 1954 xiligii ee Soomaaliya kala qeybsaneyd. Waxaana soo alifay allaha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan., waa markii ee Soomaaliya u dagaaltami jirtay xoreenteeda iyo midnimada shacabka soomaaliyeed.
MICNAHA CALANKA
Calanka Soomaaliya, waa calan loo yaqaano Calan Qoomiyadeed. Calankan waxaa uu dhaxda ku leeyahay
xidig cad oo shan gees leh, xidigtaan waxaa loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed, waxeena mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii yurub ay kala qeybiyeen, oo kala ah Jabuuti, Soomaali Galbeed oo ay itoobiya hada heysato, Woqooyi bari NFD ee hada ay kenya heysato, Gobolada Waqooyi oo xornimada ka qaatay Ingiriiska iyo Gobolada Koonfureed oo xornimada ka qaatay Talyaaniga . Calanka Soomaaliya waa calan buluug sida cirka oo kale, xidig cad neh dhaxda uuga taalo. Soomaaliya marka ee xoroowday oo calanka soomaaliya laga taagay gobolada dalka, fanaaniinta soomaaliyeed heeso ee u sameeyeen, heesta uugu caansan oo waqtigaas la qaaday waxaa ka mid ah heestii "Qolobaa Calankeed" waxaana qaaday nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Qarshe . Heestaan ma ahan heesta calanka soomaaliya ee waa mid lagu faaninaayo. kabadalid maleh waa sax.
Cabdullahi Qarshe heesta oo qaaday oo qoraal ah:-

Qolobaa calankeedu waa ceynoo,
Innaga keenu waa,
Cirkoo kale e,
Een caadna lahayn,
Ee caashaqaye.
Xidigyahay cadi,
Waad noo ciidamisee,
Carradaa kaligaa
adow curadee
cadceeda sideedaa
u caan noqo ee
sidii culagii
ciidad marisee
Alloow haku celin.
Heesta Calanka Soomaaliya
Soomaaliyeey toosoo
Astaanta Calanka Soomaaliya
Soomaaliyeey Toosoo waa heestta calanka Soomaaliya , waxaa la qoray 1947dii, waxaana qoray nin lagu magacaabo Cali Mire Cawaale oo hadda degan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.Heestaan waxaa subax kasto laga qaadi jiray iskoolada, waxeena noqotay calanka Ssoomaaliya xiliyadii ee xukumi jirtay dowladi shibilka aheed.Markii ee xukunka la wareegtay dowladii kacaanka, heestaan waxaa lagu badalay mid aan qoraal laheen qoraal oo la aqoon waxa ee ka hadleeso,waxee ahayd hees musik ah kaliya.
Qoraal
Heestii Calanka Soomaaliya ee 1947.
soomaaliyeey Toosoo
Toosoo isku tiirsada ee
Hadba kiina taagdaranee
Taageera waligiinee
Idinkaysu tookhaayoo
Idinkaysu taamaayee
Aadamuhu tacliin barayoo
Waddankiisa taamyeeloo
Sharcigaa isku kiin tolayoo
Luuqadaa tuwaaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaan oo
Tiro ari ah oo dhaxalaa
Sideed laydin soo tubayoo
Ninba toban la meel marayoo
Cadowgiin idiin talin oo
Tuldo geel ah oo dhacan baad
Toogasho u badheedhanee
Ma dhulkaas dhanee tegeybaan
Ninna dhagax u tuurayn
Qaran aan hubkuu tumayo
Tooreyda dhaafayn
Oo aan taar samayn karin
Uur kutaallo weynaa
Hadba waxaan la taahaayoo
Togagga uga qaylshaa
Nin dalkiisii cadow taaboo
U tol waayey baan ahayee
Hadba waxaan laa ooyaayoo
Oo ilmadu iiga qubaneysaa
Iqtiyaar nin loo diidoo
La addoon sadaan ahayee.
sawiro:


HEESTII CALANKA - FANAANIINTA CAANKA AH EE NORTH AMERICA
Daawasho wacan






No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh