www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Friday, April 22, 2016

Dowlada Mareykanka ayaa go’aan ku gaartay in Nashqada Lacagta Dollarka Mareykanka oo isbedel lagu sameynaayo



Dowlada Mareykanka ayaa go’aan ku gaartay in isbedel lagu sameeyo lacagta Dollarka 126 sanno kadib.
Jacob Lew oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in la bedeli doono Naqshadda Lacagta Dollarka Maraykanka.
Jacob Lew, waxa uu sheegay in isbedelka lagu sameyn doono Nashqada lacagtaasi ay noqon doonto mid Taariikhi ah, waxa uuna tilmaamay in isbedelka uu saameyn doono Dollarka, gaar ahaan Lacagta noodka ee 20-ka Dollar iyo 10-ka Dollar.
Haweeneyda Maraykanka Madow ee Harriet Tubman oo u soo halgantay Xuquuqda Maddaniga ee Dadka Madow iyo Haweenka ayaa la go’aansaday in Sawirkeeda lagu dul-daabaco Lacagta 20-ka Dollar ee Maraykanka, oo uu haatan ku daabacan yahay Madaxweynihii 7-aad ee dalka Maraykanka, Andrew Jackson.
Harriet Tubman waxay Qarnigii 19-aad ka badbaaday in la adoonsado, waxayna bilowday inay Tobanaan qof ka taageerto sidii ay uga bixi lahaayeen Is-adoonsigii ka jiray Maraykanka.
SAWIIRO:







No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh