www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Saturday, May 14, 2016

Heesta Calanka somaliya aan maalno hasheena maandeeq. oo Qoral iyo muqal ah

Heesaha calanka wey fara badan yihiin.
Maanta waxaa soo xulanay mida loogu isticmaal badan yahay oo ah aan maalno hasheena maandeeq.
oo Qoraal iyo Muqal ah 

Waa maalin muran
iyo makeeki hadhee,
Waa maalin Ilaahay maansheeye
Aan maalno hasheena maandeeqee
Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeqee.
Dhaaxaan murugo
iyo haraad mudanee
Maantay curatoo maataanaysee
Aan maalno hasheena maandeeqee
Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeqee.
Waa maalin duco
iyo bil mawliide
Waa maalin Ilaahay oo magac lee
Aan maalno hasheena Maandeeq
Ma jiro maanta
midab gumaysige,
Waa maalin caddoon madoobaynee
Aan maalno hasheena Maandeeqee
Magowdo candhadii
gollaha marisee
Aan maalno hasheena maandeeqee

Heesta calanka somaliya aan maalno hasheena maandeeq oo Muqal ah 
Daawo Heesta calanka somaliya :






1 comment:

  1. thanks for puting the lyrics ofthis greatgreat song! Soomaalia Ha Jirto Ha noolaato, Ha is Raacdo!

    ReplyDelete

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh