www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Saturday, April 23, 2016

Gabaygani waa gabay jaceyl ah oo magaciisa la yidhaahdo Dhambaal Jaceyl, wuxuuna ku saabsan yahay gabadh hal-abuurku jecel yahay, wuxuuna na soo gaadhay taariikhdu markay ahay 20 July 2004 . Dhanbaal jaceyl





Maansadaan dha’leydaa haddaan qalin ku dheereeyo 
balli baan dhextaag nahay murti uma dhibtoonaayo 
dhabi hiisaan ku hagayaa dhinac anoon seegin 
ka dhirqo maantiyo bariba waa la dhurayaaye
balaan dheeman teeydii u diro gabaygu waa dhaare

ma ogtahay dhanbaal jaceyl dhaxal gal weeyaane 
dhabtiyo wuu kaaga turjumi dhiiga socod kiisa 
adna jeeraad soo dhawaato farxadi weyga dheertahaye
hawada dhexdeeniyo iga gudoon salaan araxda soo dhaaftey

caashaquna kalsooni kuma dhammiyo dhiiri gelin toona
ha yeeshee marbuu dheeliya aqalkaan dhigaha loo aasin
adna Dhooleey fogaatayoo xaalku wuu dhanaan yahaye
axdigii ma dhowrtoo matahay taan u dhimanaayey?

dhuuxoo dhaqsi uga jawaab waan dhibtoo nahaye 
aley lehe dhirbaaxada jaceyl waan la dheygagaye
dhararti aad dhofta dhinbilo leyla dhacay fiidki
saqdii dhexe sidii dhalan wanigii dhelalow kacaye
kama bogto dhuunigoo biyihi waanka dhowr sadaye
dhabihii aad qaadan inanyahey sii dhugtaa waliye

dheeraa bishan waxaan u dhigo sooba dhufan waaye
cashara daadan iga dhaqmeyn dhimasho mooyane
xusuus tadana kama dhowr sado waandhex tagnahaye
hayga dheeran markale yaan wadnuhu isoo dhicine
cidlo haygu dhafine qalbiga ii dhawee manta.

Tusale: Cawa iyo ayaan caashaqa adaa 

sawiiro 







No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh