www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Thursday, June 2, 2016

Waa Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 5aad



Cawil wadadii suuq Ansalooti ayaa uu soo abaaray inta uu Muna fiiriyey ayaa uu ku yiri.

Cawil:
Muna maxaad u aamusan tahay mise waad cabsaneysaa

Muna:
Maxaan ka cabsadaa Cawiloo ee waxa uu qalbiga I leeyahay wiilka waad dhibtay.
Cawil:
Taasi aniga ma qabo ee mid ma ku weydiin karaa

Muna:
Haa maxaad I weydiineysaa

Cawil:
Xaafada ka waran ma la imaan karaa yaase joogo Hooyo, Aabe iyo walaal

Muna:
Qoyska aniga ayaa u weyn hablo iyo wiilal waa ay iga yar yihiin aabe waa joogaa sidoo kale hooyo waa joogtaa balse iminka waxaan la noolahay Eedadey reerkayga waxaa ay ku nool yihiin magaalo xeebeedka Merka

Cawil:
Maasha Allah reer xeebeed ayaad tahay halkaan ilaa iyo meeqo ayaad joogtaa micnaha Xamar

Muna:
Cimrigeyga oo dhan hadaan dhaho xataa waa ku saxan nahay aniga markii uu wiilkii igu xigay ay hooyaday dhashay waan ka maseyray sidaa ayaa waxaa I soo kaxeysatay Eedaday oo aan iyada ilmo laheyn oo aniga oo socod barad ayaa Xamar la ii keenay hadda ma fahamtay

Cawil:
Si fiican waxaan dareemayaa gabar shar yar ma tihid micnaha maseyrka  yaraantaadii ayaaba taqaanay

Muna qosol oo kaliya ayaa ay ku jawaabtay Cawil ayaa hadalkii sii qaatay oo yiri

Cawil:
Quruxdaada cid kale oo ku ashqaraartay ma jirto micnaha xiriir cid mala leedahay

Muna:
Xiriirkaba waan ka cabsadaa

Cawil:
Sidee ma xariir hore oo aad ku guuldareysatay ayaa jira

Muna markiiba waa ay ka booday sheekada oo doontay in aysan waxba kaga sheegin xiriirka Saciid waxay la soo booday

Muna:
Maya ee xiriir badan oo guuldareystay ayaan marqaati u ahaa

Cawil:
Ma intaas oo kaliya neef ayaa iga soo fuqday

Muna:
Maxaa jira maxay tahay waxa aad ku neef qabatintay

Cawil:
Waan cabsaday oo waxaan is iri gabadha armee xiriir guuldareystay leedahay oo ay kugu adkaataa in aad ka dhaadhiciso in aadan xumaan u socon

Muna:
Hadaba taa kuuma fududa mana ihi qof si sahlan lagu kasban karo

Cawil inta uu jawaabin ayaa ay Muna ku tiri halkaan jooji una sheegtay in ay soo adeeganeyso Cawilna waxa uu ku madax adeegay inuu sugayo maadaama ay Muna u sheegtay in gurigooda uusan fogeyn markiibana waa degtay oo ay suuqa u dhaa dhacday

Muna maadaama uu wiilka ku madax adeegay inuu sugayo ayay u soo deg degtay oo kuma aysan soo daahin
Cawil isaga oo baabuurkiisa weli ku dhex jiray ayay Muna u timid oo ay ku tiri

Muna:
Haye ma kugu soo daahay

Cawil:
Maasha allaah waad soo deg degtay

Muna:
Haye xaafada ma foga hore noo sii wad
Cawil:
Muna macquul miyaa in kulankeena uu intaan ka bado oo aan xaafada kugu imaado

Muna:
Waad deg degeysaa Cawil

Cawil:
Deg degsiimo ima heyso ee waxaan rabaa in qaladka aad iga aaminsatay in aan kaa saaro Muna walaahi aniga qof xun ma ihi si dhab aha ayaana kuu jeclahay

Muna:
Jaceylka meel noo dhig oo kaasi laguma deg dego in la sheegto adiga laf ahaantaada waxaad u baahan in aad wax badan iga barato yeysan quruxdeyda ku qaldan oo wax badan iga baro

Cawil:
Walaahi aniga barasho kale iguma kaa laabna laakiin fursad isii oo kaliya oo waxaan rabaa in aan xaafada kugu imaado

Muna:
Hagaag halkaan jooji gurikeena waa kaa geedka ku horyaala ma aragtaa haddii aad jeceshahay in aad ii timaado waad ii imaan kartaa haye maxaa kale

Cawil:
Maasha Allah habeen dambe haddii aan kuu imaado ka waran

Muna:  
Hagaag cishaha kadib waad ii imaan kartaa deyrka guriga waxaa fadhiistaan eedo iyo Ninkeeda marka waad soo gudbi kartaa oo in aad salaanto oo kaliya ayaa lagaa rabaa kadibna soo gudub

Cawil:
Aniga waan cabsanaa ee adiga banaanka soo fadhiiso sidee

Muna:
Jaceylna waa uu ku haayaa waadna cabsaneysaa waa kuwa aan is raaci Karin

Cawil:
Laakiin Muna!

Muna:
Laakiin Muna maaha geesi iska soo dhig oo imaaw kuna dheh Muna ma joogtaa waan hubaa iyada ku dhihi doonto hore u gal

Cawil:
Maxaa diidayo in aad adiga banaanka ii soo baxdo oo aad I geesi geliso

Muna:
Tani wa imtixaankii ugu horeysay ee jaceylkaaga deyrka ka soo gudub oo guriga hore u soo gal quruxdaa la ashqaraarto ayaad arkaysaa

Cawil:
Hagaag geesi ayaan iska dhigi doonaa jaceylkayga dartiis

Muna:
Haye aniga waan sii degayaa qeyr ayaan isku ognahay kolay beri Jaamacad ma jirto waad nasaneysaa

Cawil:
Haa Maasha Allah habeen dambe ayaan is arki doonaa

Muna sidii ayay gaariga kaga degtay kuna macasalaameysay Cawil oo ilaa ay guriga ka gasho fiirinaayey wuxuuna markii uu xaqiiqsaday in ay gurgia gashay ayaa uu baabuurka soo kala jiireeyey oo uu soo baaray xaafadiisa.


Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq
waxeey hada ka socota  RadioTolmawaaye.....
https://tolmawaaye.blogspot.com



No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh