www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Saturday, July 23, 2016

Talooyin Xikmadaysan Oo Ku Socda Gabdhaha



Talooyin Xikmadaysan oo ku socda Gabdhaha. Ragguna kama marna .........

1. Baro Diinta. Tuko Salaada. Badi Cibaadada Alle.

2. Ha bedelin midabkaaga. Uma baahnid qof bini’aadan ah kuu sheego inaad Qurux badan tahay. Waxaad tahay abuuristi Alle, Maxaa sidaa ka qurux badan? Qof original aan kugu rabin oo Copy kugu raacaya waa qof runta diidan oo been raba.

3. Ha ka guurin gurigiina haddii aysan Hooyadaa ku galbin iyadoo raali kaa ah. Mar kasta ku fakir inaad Hooyadaa ka farxiso

4. Ha madadaalin Nambaro qalaad oo ku soo waca, gaar ahaan xilli dambe habeenki. Ma aha waqtiga saxda ah aad Jaceyl heshid.

5. Yeelo wehel wanaagsan. Ka taxadar hablaha aad sheeko wadaaga tihiin. Ka fogow sifooyinka sunta ah sida Xanta, Xinka, Xasadka iyo Xumaan oo dhan.

6. Haddii dhibaato, murugo, qalbi-jab ku soo wajahdo marnaba ha quusan, ha isku mashquulin music, musalsal ama madadaalo kale. Kuwani dhib ma xalliyaan balse waqtiga uun bay kaa luminayaan. Si geesinimo leh u wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso

7. Ka fogow balwad & nooc kasta oo daroogo ah. Waxay noloshooda baabi’isay kuwa badan

8. Ka baro Saburka Aasiya, Daacadnimada Khadiija, Dhawrsanaanta Maryam, Mukhlisnimo Caa’ishah, Toosnaan Faatimah

9. Ha u guursan qof Lacag darteed haddii kale waxaad noqoneysaa mid ka mid ah hantidiisa

10. Sidi Maxamed Cali Kalaay AUN ku yiri gabadhiisa, “Wax kastoo Aduunkan qiime sare leh, Alle SWT wuu daboolay, waa xafidan yihiin, si adag baana loo helaa, Tusaale diamond, dahab iyo Luul intaba waxaa laga kala helaa Gunta hoose ee dhulka, Godad dusha looga daboolay lakabyo isa saaran oo dhagxaan ah iyo Gunta hoose halka u dambeysa Badda iyadoo lagu daboolay laguna xafiday dahaar aad u qurxoon. Haddaba, haddii aad ogtahay in jirkaagu karaameysan yaay ama qiime leeyahay Xafid oo Astur”

Q/W: Cumar C/lahi
Si Aqri

Tuesday, July 5, 2016

Dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo aad Joogtaan waxaan leenahay CIID WANAGSAN

Waxaanu  si  sharaf  leh  u salaamaynaa  dhamaan  booqdayaasha  www.tolmawaaye.blogspot.com , iyo soomaalida iyo dhamaan muslimiinta si guud munaasibada ciida awgeed.

Waxaynu ilaahay waydiisanaynaa inuu inugu gaadhsiiyo ciidan ciideeda bashbash iyo barwaaqo iyo horumar u waara dhamaan soomaalida oo dhan.
 Ciidan Ciideda nabad iyo kheyr Allaha nagu Gaarsiiyo AMIIN  AMIIN  AMIIN
Alle ha inaga aqbalo dhamaan acmaasheena oo Hore u so qabsane.

Allahu Akbar

                                                            Halkan hose ka Daawo

Si Aqri

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh