www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Saturday, September 10, 2016

10 Xikmadod Oo Xul Ah


1. Mararka qaarkood sababta keliya ay dadku uga tagi waayaan waxa murugada u keenaya waa sababtoo ah waa waxa keliya farxada u keeni jiray

2. Goortii dadka ku yiraahdan waad is bedeshay, 95% waxa ka keenaya inay sidaa yiraahdaan waxaad joojisay inaad u dhaqanto ama u noolaato sidi ay kaa rabeen



3. Goortii aad jeclaato qof shaqsiyadiisa, wax kasta oo qofkaa ku saabsan waxay kula noqdaan wax qurxoon

4. Laba waxyaabood ayaa qofka shaqsiyadiisa qeexa; dulqaadkiisa marki uusan waxba heysan, Sida uu u dhaqmo marki uu wax walba heysto

5. Ka hor inta aysan helin ninki riyadeeda ahaa, inta badan dumarka (ma aha kuligood) waxaa soo mara afar shukaansi oo musiibo ah iyo laba xiriir oo si qalbi-jab ah u kala haraan!

6. Qofka sida dhabta kuu jecel marnaba kuma sii deynayo ama kaama quusanayo, si kasta oo xaalada u adag tahay

7. In aad noloshaada ka saarto dad qaarkii micnaheedu ma aha in aad neceb tahay, waxa ay micnaheedu tahay in aad naftaada xushmeyso

8. Goortii qof u carfo si fiican, waxa ay si automatic ah uga dhigtaa qof soo jiidasho leh! Haddii qof qurux badan uu soo buuqo (udgoon jirkiisa ka soo bixin) ma laha wax soo jiidasho ah

9. Qof inta badan ilmeeya (ooya) micnaheedu maaha inuu daciif yahay, waxay noqon kartaa sida jirkiisu u hadlo goortii afka uusan ka sharixi karin xanuunka uu dareemayo

10. Mararka qaarkood dadku uma baahna waano. Waxay u baahan yihiin qof dhageysta.

Q/W: Mohamed Nour


No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh