www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Thursday, June 16, 2016

13ad Xikmado Xiriirka Ku Saabsan










1. Laba Mabda’ oo waaweyn ayaa saldhig u ah Xiriirka fiican,
Marka Koowaad, ku faraxsanow waxyaabahaad isaga midka tihiin, marka labaadna xushmee waxyaabahaa ku kala duwan tihiin

2. Inaad xiriir fiican qof la sameyso waa shaqo joogta ah. Ha isku dayin inaad shaqadaa doonato haddii aadan diyaar u ahayn

3. Xiriirka wanaagsani waa marki qofka aqbalo wixi aad soo martay. Kugu taageero waxa aad hadda tahay. Kuguna dhiirigeliyo mustaqbalkaaga. Waxa ugu xun xiriir marki qofka ku xusuusiyo xilli kasta wixi aad soo martay noloshaadi hore

4. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar

5. Xiriirada waayadan dambe: Hal Nin, Hal gabar, Hal qof midkood horay u kala hareen oo isku dayaya inuu ka kala daadiyo iyo Hal Saaxiib oo si Sir ah u raba inay dhamaato.

6. Marnaba qof xiriir hore idinka dhaxeeyay ha daba gelin, sirtooda ha faafin si kastoo aad u kala dheeraataan. Ogow wuxuu qofkaa ku aaminay xilli aad isu dhoweydeen

7. Xiriirku waa sidi Guri oo kale. Goortii dhalada nalka gubato intaa baxdo ma soo iibsatid guri cusub waxaad hagaajisaa guluubka nalka.

8. Xiriirka wanaagsani ma aha wax iska dhaca oo iska yimaada. Wuxuu qaataa waqti, dulqaad iyo laba qof oo waayaha adag wadajir uga wada gudba

9. Si kastoo aad u murmeysaan lamaanahaaga. Marnaba kor ha u wada qeylinina ilaa aan ka ahayn mar Guriga dab qabsaday!

10. Haddii uu oohin kaa keeno xiriir qof idinka dhexeeyo maalin kasta, Fariiso, Neefso ka dibna weydii naftaada: Ma bini’aadan baan qabaa mise Basal?

11. Ugu yeer waxaad doonto, xod-xodasho hadaa sameyso xilli aad xiriir ruux kale kula jirto waa Qiyaano

12. Qof kasta waa garanayaa sida guri qurux badan loo dhiso laakiin dad yar ayaa garanaya sida quruxda badan ee loogu noolaado.

13. Marnaba ha iska dhegatirin qof xiriir daacad ah kaala dhexeeyo, ku jecel, ku daryeela, kuu baahan, sababtoo ah maalin ayaad intaa baraarugto garan doontaa inaad dayaxa weyday kolki aad xidigaha tirineysay.
W/Q: Mohamed Nour
Si Aqri

Tuesday, June 14, 2016

Xog muhiin ah Si Aan Xogtaada Gaarka Ah Looga Helin Facebook Waa Inaad Si Degdeg Ah U Masaxdaa Macluumaadkaan



Facebook waxaa lagu tiriyaa in uu yahay masraxa bulsho ee ugu weyn ee ay ku xidhiidhaan kuna kulmaan dadka ugu badani. Sida aynu in badan aragnayna marka Koonto gaar ah laga samaysanayo waxa uu qof kasta weydiiyaa macluumaad iyo xog shakhsi ah, oo in uu ka jawaabaa aanay lagama maarmaan u ahayn samaysashada xisaabtiiga/Koontadiisa gaarka ah, laakiin haddana dadka isticmaalaa waa ay ka jawaabaan su’aalahan iyaga oo qaarkood u arka in ay lagama maarmaan u yihiin dhammaystirka ama ugu yaraan qurxinta Koontadiisa.

Haddaba warbixin aynu afsoomaali usoo rognay oo arrintan uu ka qoray wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa lagu sheegay in xogtaan shakhsiga ah ee qofku uu kaga jawaabayo su’aalaha facebook in ay ku noqon karaan khatar ama fure u noqon karaan in cid dano gaar ah ka lihi ay dhex gasho koontadiisa si ay ula baxdo arrimihiisa shakhsiga (Khusuusiga) ah. Warbixintan waxaa lagu sheegay macluumaad ay muhiim tahay in aanu facebook gelin ama haddii uu geliyey uu ka tirtiro qof kasta oo jecel in xogtiisa shakhsiga ahi aana ygacanta u gelin gacan saddexaad oo noqon karta cid halis ku ah amnigiisa, waxa aynu akhristayaasheena u soo gudbinaynaa kuwa ugu muhiimsan xogahaas ay tahay in aan lagu faafin facebook.

Waxa aad xiisayso: Waxa ay khaanaddani shirkadda Facebook ka caawisaa keliya in ay ogaato waxa ugu badan ee ay macaamiisheedu aadka u jecel yihiin si ay ugu saleeyaan noocyada xayeysiis ee ay dadka qaar iyo macaamiisha oo dhanba u soo bandhigayaan, sidoo kale waxa ay ka faa’iddaa in ay qof kasta ku soo xidho bogagga uu xiiseeyo si ay isticmaal badan u helaan.

Taariikhda dhalashadaada: In taariikhda dhalashada ee qofka la helo waxaa si aad ah uga faa’idaysta budhcadda jabsata akoonnada qofku ku leeyahay bangiyada, gaar ahaan bangiyada internet ka (Online) laga isticmaalo, iyo sidoo kale xisaabaha shakhsiga ah ee qofka, waxaa sidoo kale waxaa looga faa’idaysan karaa in lagu raadiyo furayaasha (Password) gaarka ah ee qofka.

Cinwaannada guriga: Inta badan dadku si gaar ah facebook uguma qoraan tilmaamta guryahooda, waxase si dadban looga ogaadaa marka ay isku furaan khariiradaha internet ka ku shaqeeya iyo waxa loo yaqaanno Check in.

In gurigaaga gaarka ah cinwaankiisa/tilmaamtiisa cid kastaa heli kartaana waxa ay ka mid tahay arrimaha aan amni ahaan fiicnayn.

Dugsigaagii iyo halka aad ka shaqayso: In facebook lagu qoro magacyada dugsiyada iyo jaamacadaha la soo dhigtay, ama goobta shaqo waxa ay ka mid tahay waxyaabaha dadku xiiseeyaan iyaga oo ka doonaya in ay saaxiibbadooda dugsiyadan iyo goobahan shaqo is helaan, ama faan iyo ismuujin ka doonaya, ama rajaynaya in shaqo heliddooda dambe ay ka caawiso, laakiin waxa ay warbixintu sheegaysaa in ay noqon karto hab qofka cid cadow ku ahi ku raadsan karto xogtiisa.

Q/W: Mohamed nour
Si Aqri

Inta sacadod u bahan yahay Hurda Qofku Bisha Ramadaan?


Dhakhaatiir caalami ah, ayaa soo jeediyey in qofka soomman u baahan yahay bisha Ramadaan hurdo dheeraad ah maalintii, gaar ahaan inuu waqti yar indhaha isku qabto si uu u nasto.

Qofku inuu hurdo ku filan helo waqtiyada habeenkii inta Ramadaanta lagu jiro waxay faa’iido u tahay inuu cibaadiisa sii wato, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu.

Dr. Maxamed Rafique oo ah Madaxa Xannuunada guud iyo daawanta hurdo xumida ee Cusbitaalka Prime Hospital ee magalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska Gulf News ayaa in hurdada dheeraadka ah ee bisha Ramadan amma nasashadu ay faa’iido u leedahay caafimaadka qofka.

“Ugu yaraan in qofku seexdo afar saacadood iyo badh ilaa shan saacadood ka hor suxuurta iyo dhawr saacadood kadib waxay u fiican tahay caafimaadka iyo soonka qofka,” ayuu yidhi Dr. Rafque.

Dhakhaatiirtu waxay intaa ku dareen in 30 daqiiqo oo hurdo yar ah oo qofku helo maalintii ay awood badan geliso, jidhka iyo maskaxduna ku nasato.

Dr. Rafique waxa uu hoosta ka xarriiqay in dadka badankoodu hurdo fiican aanay Ramadaanta helo, halka qofka hurdo ku filan helaa aannu xannuun iyo dhib dareemin inta uu soomman yahay, waxaannu soo jeediyey in cuntada badan ee habeenkii xilliyada dambe la cunayo la iska yareeyo si aana hurdada uga carqaladayn, isagoo xusay in cuntadaasi kor u qaaddo aysiidha jidhka amma dhuumaha cuntada, kadibna qofka uu ku dhaco laab jeexan keena hurdo la’aan.

Dr. Babu Shershad oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka Dubai, ayaa sheegay in saacadaha hurdo ee dadku u baahan yihiin la khalad fahmo, waxaannu yidhi; “Jidh kastaa waxa uu u baahan yahay hurdo ku filan, taasoo ku xidhan sida noloshiisu tahay hadba. Dadka qaar baa u baahan siddeed saacadood, halka kuwo 3 amma 4 saacadood ku filan tahay oo habeenkii ah.”
Q/W:  Mohamed nour
Si Aqri

Thursday, June 2, 2016

Waa Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 5aad



Cawil wadadii suuq Ansalooti ayaa uu soo abaaray inta uu Muna fiiriyey ayaa uu ku yiri.

Cawil:
Muna maxaad u aamusan tahay mise waad cabsaneysaa

Muna:
Maxaan ka cabsadaa Cawiloo ee waxa uu qalbiga I leeyahay wiilka waad dhibtay.
Cawil:
Taasi aniga ma qabo ee mid ma ku weydiin karaa

Muna:
Haa maxaad I weydiineysaa

Cawil:
Xaafada ka waran ma la imaan karaa yaase joogo Hooyo, Aabe iyo walaal

Muna:
Qoyska aniga ayaa u weyn hablo iyo wiilal waa ay iga yar yihiin aabe waa joogaa sidoo kale hooyo waa joogtaa balse iminka waxaan la noolahay Eedadey reerkayga waxaa ay ku nool yihiin magaalo xeebeedka Merka

Cawil:
Maasha Allah reer xeebeed ayaad tahay halkaan ilaa iyo meeqo ayaad joogtaa micnaha Xamar

Muna:
Cimrigeyga oo dhan hadaan dhaho xataa waa ku saxan nahay aniga markii uu wiilkii igu xigay ay hooyaday dhashay waan ka maseyray sidaa ayaa waxaa I soo kaxeysatay Eedaday oo aan iyada ilmo laheyn oo aniga oo socod barad ayaa Xamar la ii keenay hadda ma fahamtay

Cawil:
Si fiican waxaan dareemayaa gabar shar yar ma tihid micnaha maseyrka  yaraantaadii ayaaba taqaanay

Muna qosol oo kaliya ayaa ay ku jawaabtay Cawil ayaa hadalkii sii qaatay oo yiri

Cawil:
Quruxdaada cid kale oo ku ashqaraartay ma jirto micnaha xiriir cid mala leedahay

Muna:
Xiriirkaba waan ka cabsadaa

Cawil:
Sidee ma xariir hore oo aad ku guuldareysatay ayaa jira

Muna markiiba waa ay ka booday sheekada oo doontay in aysan waxba kaga sheegin xiriirka Saciid waxay la soo booday

Muna:
Maya ee xiriir badan oo guuldareystay ayaan marqaati u ahaa

Cawil:
Ma intaas oo kaliya neef ayaa iga soo fuqday

Muna:
Maxaa jira maxay tahay waxa aad ku neef qabatintay

Cawil:
Waan cabsaday oo waxaan is iri gabadha armee xiriir guuldareystay leedahay oo ay kugu adkaataa in aad ka dhaadhiciso in aadan xumaan u socon

Muna:
Hadaba taa kuuma fududa mana ihi qof si sahlan lagu kasban karo

Cawil inta uu jawaabin ayaa ay Muna ku tiri halkaan jooji una sheegtay in ay soo adeeganeyso Cawilna waxa uu ku madax adeegay inuu sugayo maadaama ay Muna u sheegtay in gurigooda uusan fogeyn markiibana waa degtay oo ay suuqa u dhaa dhacday

Muna maadaama uu wiilka ku madax adeegay inuu sugayo ayay u soo deg degtay oo kuma aysan soo daahin
Cawil isaga oo baabuurkiisa weli ku dhex jiray ayay Muna u timid oo ay ku tiri

Muna:
Haye ma kugu soo daahay

Cawil:
Maasha allaah waad soo deg degtay

Muna:
Haye xaafada ma foga hore noo sii wad
Cawil:
Muna macquul miyaa in kulankeena uu intaan ka bado oo aan xaafada kugu imaado

Muna:
Waad deg degeysaa Cawil

Cawil:
Deg degsiimo ima heyso ee waxaan rabaa in qaladka aad iga aaminsatay in aan kaa saaro Muna walaahi aniga qof xun ma ihi si dhab aha ayaana kuu jeclahay

Muna:
Jaceylka meel noo dhig oo kaasi laguma deg dego in la sheegto adiga laf ahaantaada waxaad u baahan in aad wax badan iga barato yeysan quruxdeyda ku qaldan oo wax badan iga baro

Cawil:
Walaahi aniga barasho kale iguma kaa laabna laakiin fursad isii oo kaliya oo waxaan rabaa in aan xaafada kugu imaado

Muna:
Hagaag halkaan jooji gurikeena waa kaa geedka ku horyaala ma aragtaa haddii aad jeceshahay in aad ii timaado waad ii imaan kartaa haye maxaa kale

Cawil:
Maasha Allah habeen dambe haddii aan kuu imaado ka waran

Muna:  
Hagaag cishaha kadib waad ii imaan kartaa deyrka guriga waxaa fadhiistaan eedo iyo Ninkeeda marka waad soo gudbi kartaa oo in aad salaanto oo kaliya ayaa lagaa rabaa kadibna soo gudub

Cawil:
Aniga waan cabsanaa ee adiga banaanka soo fadhiiso sidee

Muna:
Jaceylna waa uu ku haayaa waadna cabsaneysaa waa kuwa aan is raaci Karin

Cawil:
Laakiin Muna!

Muna:
Laakiin Muna maaha geesi iska soo dhig oo imaaw kuna dheh Muna ma joogtaa waan hubaa iyada ku dhihi doonto hore u gal

Cawil:
Maxaa diidayo in aad adiga banaanka ii soo baxdo oo aad I geesi geliso

Muna:
Tani wa imtixaankii ugu horeysay ee jaceylkaaga deyrka ka soo gudub oo guriga hore u soo gal quruxdaa la ashqaraarto ayaad arkaysaa

Cawil:
Hagaag geesi ayaan iska dhigi doonaa jaceylkayga dartiis

Muna:
Haye aniga waan sii degayaa qeyr ayaan isku ognahay kolay beri Jaamacad ma jirto waad nasaneysaa

Cawil:
Haa Maasha Allah habeen dambe ayaan is arki doonaa

Muna sidii ayay gaariga kaga degtay kuna macasalaameysay Cawil oo ilaa ay guriga ka gasho fiirinaayey wuxuuna markii uu xaqiiqsaday in ay gurgia gashay ayaa uu baabuurka soo kala jiireeyey oo uu soo baaray xaafadiisa.


Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq
waxeey hada ka socota  RadioTolmawaaye.....
https://tolmawaaye.blogspot.com

Si Aqri

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh