www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Monday, May 30, 2016

Balaayo idin ku dhacday, been bay noo sheegeen! Qeybta 1aad.



Waa nin da’ kontonaad ku jira. Waligi ma tagin meel ka baxsan deegaanka tolkiis. Ilaahay wuxuu qadaray inuu u baahdo, una safro deegaan kale. Tan iyo maalintii uu dhashay wuxuu maqlayey beesha halkaas degta inay wixii xun oo dhan la gaar tahay, wanaagana ka qatan tahay.
Markii uu go’aansaday inuu deegaankaaas u safro ayaa nin walba u wariyey wixii uu dadka deegaankaas waligi ceebo iyo xumaan ku maqli jirey, aanooyinkii iyo xurgufihii labada reer soo dhexmaray iyo khataraha uu la kulmi karo.
Isaga oo dhagabarjaysan oo xilli kasta shar filanaya, cid walbana dhib ka malaysanaya, wax khayr iyo ixsaan ahna aan dadka ka rajeynayn ayuu safarkii soo galay.
Kolkii uu gaariga soo fuulayba waar ka durka iyo meel fiican u banneeya ayaa hadal uu maqlo ugu horreeyey. Dabadeed rakaabkii ayaa jidka ku sheekaystay, iskuna haybsaday. Isaga oo walwalaya ayuu sheegay reerka uu ka dhashay iyo deegaanka uu ka yimid.
Markiiba nin oday ah baa soo booday oo weydiiyey oo qoladee ka tahay?, oo yaa ka sii tahay?, oo ma jifo heblaa tahay mise jifo hebla?, oo ma ina hebel baa tahay?, oo bahdee tahay?.
Odaygii oo aan hadalkii dhamaysan ayaa xagga nin kale ka soo booday oo yiri: Alla waa reer abtigay. Haweeneey ayaa iyana tiri: ilmahayga ayay isku jifo yihiin. Nin kale ayaa isna yiri: anigana gabar jilibkaas ah ayaa ii ilma dhashay!. Nin kale ayaa yiri: aniga rag badan baan jifadaas saaxiibo ka ahayn oo aan aad u jeclaa ee ma noolyihiin hebel iyo hebel?. Xaaji hebel iyo kornaylkii hebel ahaa ka waran?.

Dadkii ayaa nin walba sheegay qabiilkiisa, reer abtigi iyo cidda uu ka qabo. Dumarkiina reeraha ay u dhaxaan bay wada sheegeen.
Ninkii yaab iyo amakaag baa ka soo haray; waayo dadkii bahalada u wada ahaa waxay noqdeen, qaraabo, xidid, saaxiibo iyo dad ku faraxsan barashadiisa iyo reerka uu ka dhashayba. Waxaa laga waraystay dadkii si guud iyo si gaar ahba, deegaankiina magaalo magaalo iyo tuulo tuulo ayaa loo warsaday.
Kaaga darane kolkii gaarigu istaagaba waxaa la isku qabsanayaa aniguu ila qadayn iyo mayee aniga ii daa. Dadkuna waa mid qado geeya, mid sharaab u keena iyo mid u sheekeeya.

Dadkii waxay noqdeen kuwo 100% ka duwan sidii uu u haystey. Intii uu gaariga saarnaa waxay u hayd isla hadal iyo waxaani ma riyaa mise waa run ilaa uu magaaladii gaarey.
Waa socotaa ….


No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh