www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Monday, May 30, 2016

Waa Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 4aad














Maalintaa sidii ayaa fasaladii loogu huleelay Cawil sida nin maqan oo ay wax ka maqan yihiin inuu yahay cid kasta ayaa dareemeysay waxa uuna ka fikiraayey Muna oo uu ka cabsi qabay in ay ku diido dareenka uu xageeda u qabo,
subaxaas waxa badan ayaa uu is weydiinaayey isaga oo ka cabsi qabay in qof kale uu qalbigeeda ku jira maadaam iyada laf ahaanteeda ay tiri Jaceylka hore ayaa uu ii soo maray Cawil taa ayaa cabsi weyn ku heysay

Subaxaan waa Subax Arabaca waana maalinta ugu dambeysa taxanaha waxbarashada ee Usbuuca sida caadada u ah Jaamcada waxaa isugu yimaada ardayda ku jirta sanadka ugu dambeysa oo ka wada yimaada dhamaan qeybaha ee Jaamcada ku ledahay magaalada Muqdishu waxaa dhacda in xilliga dhextaalka maqaayada ay aad u mashquul badan tahay saaka Cawil markii uu Maqaayada tagay oo uu arkay sida Ruqiya iyo saaxiibteed u mashquulsan yihiin ayaa uu shaqada dhinaciisa ka galay oo wax badan la fududeeyey isaga oo dalabka ardayda inta uu ka aruuriya misana ka soo qabanayey Muna ardaydana cid kasta miiska ay fadhisa ugu geynayey

Markiiba si dhaqso leh ayay quraacdii subaxdaas ku dhamaaday maqaayadiina isugu soo hareen Cawil, Ruqiya iyo Muna waxaana Cawil u mahad celisay Ruqiya oo ku tiri

Ruqiya:
Maasha Allah Cawil waan ku mahad celinayaa saaka haddii adan adiga ahaa laheyn waa la isku jahwareeri lahaa

Cawil:
Waa la isku leeyahay sidaa ha dhihin

Muna:
Jinoolka si fiican ayaad u shaqeysay laakiin fiiri shaarkaaga waad isa wasaqeysay

Cawil:
Dhib malaha manta fasalka laguma noqonayo marka xaafada ayaad toos u aadayaa haddii aad dooneysid waan ku sii dhaweynayaa

Muna:
Micnaha baabuur ayaad wadataa

Cawil:
Haa walaal wax dhib ah iguma heyso in aan xaafadiina idiin geeyo waana ii sharaf

Muna:
Reer lacag leh ayaad ka dhalataya walaahi waad u muuqataa wiil koolkoolin lagu koriyey

Cawil:
Marna Jinoole I dheh marna wiil dalac ku soo koray ayaa atahay I dheh laakin mid xasuusnaaw in aan aragtida ugu horeysay aan kaa helay

Ruqiya oo inta la wada hadlaayey ku mashquulsaneyn alaab dhaqid ayaa sheekada soo dhex gashay oo tiri

Ruqiya:
Horta Muna waad ku qaldan tahay in aad wiilka Jinoole dhahdo walaahi Cawil wiilasha jaamacada dhigta waa wiilka ugu degan waxaana aaminsanahay in aad nasiib ledahay inuu kaa helo waayo haasaawida dumarka maba lagu yaqaano

Cawil:
Maya Ruqiya aniga dhib uma arko in ay Muna Jinoole igu yeerto ileyn qurxudeeda ayaa I waashay

Muna:
Si kasta waan kuu mahad celineynaa runtii howl wacan ayaad nala qabatay mida kale aniga meelo badan ayaan sii marayaa kuma sii raaci karo Ruqiya uun xaafada gee

Cawil:
Ruqiyana xaafada waan geynayaa adiga meelaha aad rabto oo dhan waan ku marsiinayaa taasi aniga dhib iguma ah haddii aadan adiga I diideynin

Ruqiya:
Aniga xoogaa ayaan joogayaa Cawil balse Muna suuqa ayay sii mareysaa hore u qaad kadibna xaafada gee

Cawil:
Ok waan marsiinayaa Muna taasi aniga ilama weyna adiga soo adeega aniga laamiga ayaan kugu sugayaa

Muna:
Laakiin!

Ruqiya:
Laakiin laakiin maaha isa soo diyaari Cawil baabuurka ayaa soo bixinayaa sow sidaa maaha Cawil

Cawil:
Haa haa baabuurka ayaan soo bixinayaa

Markiiba waa baxay Cawil isaga oo aad u faraxsan oo aaminsan in tani ay tahay fursad weyn

Muna:
Naayaa Ruqiya maxaad damacsan tahay oo aad ninkaan qoorta igu sureysaa

Ruqiya:
Naa wiilka niyada haka jibin waa uu kaa helayee

Muna:
Waa uu kaa helay! naa halkee geynayaa arrinkayga waad la socotaa halkee geyaa kanina

Ruqiya:
Qalbigaaga ayaa uu kasban doonaa waan hubaa Saciidna qayaanadiisa waad ilaawi doontaa ileyn waa nin damac lacag uun qabo balse Cawil waa wiil si dhab ah kuu jeclaaday

Intii aysan Muna jawaabin ayaa uu Cawil soo galay oo uu yiri

Cawil:
Haye Muna ma soconaa

Muna madaxa uun ayay ruxday oo soo raacday Cawil oo baabuurka soo dhigay meel aan ka fogeyn maqaayada sidii ayaa uuna albaabka kaga furay oo u tilmaamay in ay gasho Muna oo weli yaaban ayaa gudaha u gashay Cawil oo farxadiisa cid kasta dareemi karto ayaa markiiba baabuurka dhaqaajiyey Axmed iyo Aamina oo meel dhinac ah u taagan ayaa uu ku soo maray oo intii uu Axmed gacanta u haatinaayey la dhaafay Axmed markii la dhaafay ayaa uu yiri

Axmed:
Walee saaxiibkey waa la galay

Aamina oo yaaban ayaa tiri

Aamina:
Oo kaalay Cawil muxuu sidaan noogu galayaa oo aan ka galabsanay

Axmed:
Wixii manta ka dambeeya waa in aan isku tashano saxiibkeen waala helay

Aamina:
Oo maxaa helay oo aad ogtahay mida kale waa tuma gabadha baabuurka u saarneyd

Axmed:
Waa la ogaan doonaa cida ay tahay ee ma soconaa

Aamina:
Waa ku qasban nahay ileyn cid aan sugno ma jirtee kolay halkaan wax gaari ah kama heleyno waa in aan hore u sii soconaa

Axmed:
Waa sidaas walaahi si xun ayaa uu manta noo galay saxiibkeen

Aamina:
Aniga dhib uma arkee waa tuma gabadha baabuurka saarneyd

Axmed:
Waa Muna Yarey magaca uu walaalkaa ula baxay gabadha

Aamina:
Gartay Muna maxay aheyd iyada halkee ayaa ay naga soo gashay

Axmed:
Maalmahaan hawada waa ku jirtay ee adiga ayaan la socon

Aamina:
Gartay

Axmed:
Waa gabar beryahaan qalbiga Cawil qabsatay oo inuu u waasho ku dhaw

Aamina oo hadalka Axmed u fahamtay mid cayaar cayaar ah ayaa tiri

Aamina:
War ka daa Axmed hadalka halkaas ha u leexin ma Cawil ayaa jaceyl dareemay taasi waa wax aan aamini Karin

Axmed:
Hadaba hadaa aamini doono Cawil gabadhaan aragtidii ugu horeysay ayaa uu la ashqaraaray

Aamina:
Taasi waa mid aan kaa diiday ma Cawil ma ninkaan dhagaxa ah ayaa I leedahay dareen uu qof u qaado ayaa uu leeyahay maya maya waa diiday

Axmed:
Hadalkayga meel kale ha ka raadin Aamina

Aamina:
Maya igama daadageyso taa

Axmed:
Adiga ayaa ay kaa daadegi doontaayee soo talaabo dheerey waad ogtahay xilliyadaan baaburta waa dhib badan tahay oo lama helayo


Markiiba waxa ay heleen gaari BL ah oo boos kaliya ka banaan oo ay Aamina ku fadhiisatay  halka Axmedna uu daaqada qabsaday sidii ay xaafadooda ugu huleeleen Aamina marnaba ma aaminsaneyn in Cawil uu gabar ka helay oo waliba ku waalanayo tani iyada lama qaataan ayay ku aheyd.


Arxan iyo Araaro Caanshaq waxeey ka socota https://tolmawaaye.blogspot.com
Q/W: Mohamed Nour
Xigasho: jowhar.com


No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh