www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Monday, May 30, 2016

Balaayo idinku dhacday, been bay noo sheegeen (Qeybta 2aad)







Intii gaariga la saarnaa miskaxdiisa waxaa isku haystay wixii uu aaminsanaa iyo wanaaga uu dadkaan kala kulmay. Waxaa kale oo ka hor muuqdey sheekooyinkii uu yaraantii maqli jirey ee jiib-siibka iyo qalinshubatada ahaa ee magaalooyinka laga sheegi jirey.
Siday doonto ha noqotee gaarigii magaalada ayuu dhinac ka soo galay, dadkiina waxay bilaabeen inay isweydiiyaan xaafadee dagantahay, gaari ma kuu imaanayaa iyo taksi ma isla kiraysanaa.
Dabcan isaga xaafada magaceeda waa loo soo sheegay, nin ay hayb kore wadaagaan oo uusan wajigiisa aqoona wuu ku dagayaa laakiin walwal badan baa ka haya sida xaal noqon doono maadaama ay habeenimo tahay, magaaladana aanu horay u aqoon.
Ugu dambayntii rag ay is ag fadhgiyeen ayaa ku yiri: annaga caawa nala hoyo, subaxdiina aan kula raadino xaafadii iyo ninkii aad ku dagi lahayd.
Kaaga darane nimanku waa beeshii waligi looga digi jirey laakiin maadaama ay muddo soo rafiiqeen, uuna ka arkay dhaqan wanaagsan oo uu rumaysan la’aa geesinimo ayuu iska baaray, wuxuuna aqbalay inuu caawa iyaga martiyo, sidaas ayaana xaafadii lugu tagey.
Salaan, soo dhaweyn iyo dajin ka dib cashadii ayaa la isugu yimid rag iyo dumar, yar iyo weyn. Dariskiina dad badan baa ka yimid. Halkaas ayay ka bilaabatay isbarasho iyo sheeko xiiso leh.
Ninkii martida ahaa waxaa dhakafaar ku noqotay hadalada uu caawa maqlayo: Alla waa reer abtigay, ana isku jifo ayaan nahay oo halkaan baa la igu qabaa, ana aabbahay abtigi weeye, ana walaalahay bay reer abti u yihiin, magaalada uu ka yimid baan ku dhashay, saaxiibo badan baan ku leeyahay …
Dalkii iyo dadkii ka waran, waan u xiisay ciiddii iyo ehelkii, berri annagaad noo casuumantahay, ha iga tagin innaga oo aan is arag hebel iyo hebel baan hadiyad kuugu dhiibayaa, anigu waaba ku sii raacayaa iwm.
Maadaama uu xalay ka cudurdaartay casuumadii berri ahayd subaxnimadii ayaa dadkii qofba wax u keenay: lacag la leeyahay waa casuumadii, dhar, cataro iwm.
Quraacdii ka dibna xaafadii oo dhan baa isugu timid sagootintiisa, waxaana lugu qaaday gaari gaar ah oo loogu raray alaabtiisii iyo hadiyadihii loo keenay, waxaana sii raacay labadii nine e ay isla soo rafiiqeen iyo labo dhallinyaro ah.

Horay xaafadii lagama geyn ee waxaa lugu soo wareejiyey magaalada, meel kasta oo la marayana waa loo sharxayey. Meelaha caanka ah qaar ka mid ah ayaa loo sheegayey in uu leeyahay nin beeshiisa ah ama mid reer abtigiis ah ama qolada uu ka qabo ah, ugu dambayntiina inta baar laga siiyey cabbitaan iyo cunto fudud, xoogaana loo sheekeeyey ayaa la siiyey telefoonada, waxaana lala balamay in seddex beri ka dib laga soo wardooni doono, dabadeedna isagii oo farxad iyo yaab ku kulmeen baa xaafadii la geeyey.


No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh