www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Monday, May 30, 2016

Illaa Soomaali waa wada walaalahay!

Waligey waxaan is lahaa waa cadow shisheeye ah ee iska ilaali. Illaa iyaga maahee tol kaleba ma lihi. Waxaa I hodey labo arrimood.

1. Sheeka-xariirta jifadaydu isugu sheekayso oo aan ku qotomin cilmi, caqli, maslaxad iyo jirto (waaqic). Taas oo oranaysa innaga mooyee dadka kale waa wada shisheeye, shisheeyena jir duxa ma leh.

2. Adduunka oo dhan waxaan ka aaminsanaa inuu yahay dhawrka ceel oo aan ka cabno iyo ceelasha qabiilooyinka nala dariska oo markii a baar nugu dhacdo aan ka cabno, dadka dunida joogana intaas oo aan anagu u tugtug roonyahay baan u qabey laakiin hadda waxaan ogaaday qabiilkayga iska daaye Soomaali oo dhan baan dunida waxba ka ahayn.

Arrimaha aan ka hadlayo waxaa fahmi kara nin jifadiisa iyo deegaankeeda ka dhex baxay oo adduun wax la soo qaybsaday. Tusaale ahaan xajka markaad tagtid soomaali iska daaye dadka madow oo dhan baa fara ku tiris ah. Tan kale markaad habowdid ilaa aad qof soomaali ah heshid walwal iyo walbahaar kaa bixi maayo.

Wallaahi inay soomaali ehelkay iyo arxankay tahay qabiilkay doonaan iyo deegaanka doonaanba ha ahaadeene. Waxaase iigu yaabaa badnaa markaan ogaaday qabiilooyinkii aan ugu nibcaa inay ugu sii fiican yihiin.


Waxaan ka xumahay inaan xaqiiqadaas fahmay goor aan tabaryareeyey oo aanan gacalkayga soomaaliyeed wax weyn tari karin , waxaase igu wacad Alle ah in aan walaalnimada dadkayga ka shaqeeyo, ilmahaygana aan ku tababaro, ka lana dardaarmo; si ay wixii I dhaafay iyagu u soo qalleeyaan.



No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh