www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Tuesday, May 31, 2016

Sheekh Saciid Raage iyo muxaadaro cusub 2016




Waa muxaadaro cusub oo sheikh Saciid Raage uu kaga hadlaayo xaalada Ahlu-

sunnah guud ahaan.Waa Sheekh Saciid Raage iyo muxaadaro cusub 2016.

Halkan ka Dawo

   Ka Faa'ideyso 



Si Aqri

Su aalo iyo jawaabo cusub oo Muhiima | Sh Maxamud shibli

Su aalo iyo jawaabo cusub oo Muhiima ah Sh Maxamud shibli
Halkan ka Dawo  

Ka Faa'ideyso 




Si Aqri

SU'AALO IYO JAWAABO DIINI AH SH CISMAAN SH USUULI


SU'AALO IYO JAWAABO DIINI AH SH CISMAAN SH USUULI 2016
Halkan ka Dawo 

  1. Ka Faa'ideyso

Si Aqri

Maalinta Jaceelka Aduunka 2016??? malinta Naceebka aduunka!!!!!!!


Dawasho Wacan

Si Aqri

Gawey laka tiiriye madaxweenaha dalka somaliya xasan sh.maxamud abwaanka koxda Ila Qosol


Dawasho Wacan


Si Aqri


Dawasho Wacan


Si Aqri

ariin mucjiiso leh bal eeg



Dawasho Wacan





Si Aqri

Ila Qosol Hindi ah Filimkii Camoole iyo Dhagool

Ilaqosol Hindi ah Filimkii Camoole iyo Dhagool 




Dawasho wacan


Si Aqri

ila qosol la yaab leh tolmawaaye news






Dawasho Wacan ... 


Si Aqri

Monday, May 30, 2016

Microsoft: waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website


Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah


Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah. Waxa ay kaga waramaysaa shirkadu horumarkii ay samaysay iyo masuuliyadeeda xataa cuntada ay cunaan shaqaalaheedu iyo qiimaynteedii.

Microsoft waxay sheegtay in bishii la soo dhaafay ee August 75 Million oo qof ay ku install gareeyeen computer radooda Windows 10, balse imika aan wali la garanayn inta ku koradhay tiradaa. Waxayna sheegtay inay doonayso in tiradu ay gaadho Billion qof sannadka 2018, balse kamay waramin tirada guud ee windows yada oo dhan.

Waxay shirkadu ku sheegtay maqaal ay leedahay in 1.2 Billion qof ay isticmaalaan barnaamijyadeeda Office ka ah ee maktabadaha, taas oo macnaheedu yahay in todobadii qof ee meel wada fadhiya aduunka uu mid kamid ah isticmaalo Office ka. Sidoo kale tiro gaadhaysa 150 Million oo qof ay ku download gareeyeen Office ka mobile lada Iphone, Ipad iyo kuwa kale ee Android ka ku shaqeeya iyo ISO ga.

Google App kuna waxa uu sheegay in magaca " Word " lagu qoray 50 Million oo jeer, halka la download gareeyay Excel iyo Power Point in ka badan 10 Million oo jeer. Halka ay isticmaalaan Outlook geeda 400 oo Million oo kunool dacalada dunida. Waxay raacisay tabarucaadka ay bixisay inay gaadheen 2,6 Million doller maalin kasta oo ah 86,000 oo ah barnaamijyo bilaash ay internet ka kusoo galisay halka lacagtaa sare ay ka qaadi lahayd dadka.

Waxa cajiib ah in website kooda ay ku sheegeen cuntada ay shaqaaluu ugu jecelyihiin ee ay ka dalbadaan cafateria ha udhow oo ah nooca loo yaqaan Counterfeit potatoes oo sawirkeedu ka muuqdo  barta hoose, balse ay ku qiyaastay tiro ka yar Million in laga dalbado cafateria haas sannad walba.
Xigasho: www.somaliasoftware.blogspot.com


Share this article :
Si Aqri

Microsoft: waxeey so sarte Laptop Aad U Tayo Badan Oo Lagu Magacaabo Surface Book

Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa markii ugu horreysay soo saartay Kombiyuutar gacanta lagu qaato oo ay iyadu samaysay, uguna wan-qashay magaca Surface Book Pro waxa aanay ku faantay in Laptop kan ay soo saartay uu leeyahay awood aad u badan iyo hawl-gudasho ka fiican dhammaan Kombiyuutarrada (Laptop) gacanta ee shirkadaha kala duwan ee dunidu soo saaraan, gaar ahaan Kombiyuutarka inta la og yahay hadda ugu fiican ee MacBook Pro oo ay soo saarto shirkadda ay aadka u tartamaan ee Apple.
Shirkadda Microsoft waxa ay sheegtay in tilmaamaha iyo wanaagga xad dhaafka ah ee tayada iyo habsami u shaqaynta kombiyuutarkani ay ka dhigayso in uu noqdo Laptop ka keliya ee jira, wanaagga ay u tirisayna waxaa ka mid ah in aanu ahayn Laptop keliya, balse uu sidoo kale noqonayo Tablet ay u bixisay Sufrace Tablet oo la mid ah SAMSUMG Tablet iyo iPad ka. Waayo waxa uu leeyahay batam loogu talogalay oo marka la riixo si sahal ah u kala reebaya qaybta shaashadda iyo qaybta batamada xuruufta ee Kombiyuutarkan, taas oo fududaynaysa in marka ay labada qaybood kala hadhaan qaybta shaashadda kelideed la qaato loona isticmaalo Tablet ahaan.

Xigasho: www.somaliasoftware.blogspot.com

Si Aqri

ax ka ogaawo Talooyin Kaa Caawinaya In Battery-ga Laptop-kaaga In Mudo Ah Ku Hayo

Battery-ga laptop-ka waa qalab aad u muhiim ah waliba marka uu cusub yahay laptop-ka ama battery-ga wuxuu u baahanyahay in la daryeelo oo laga warqabo halkaan waxaan idin kugu soo gudbineeynaa talooyin ka caawin kara in batter-ga computer-kaada dabka haayo in mudo ah.
1. Mark uu cusubyahay battery-ga
Markaad laptop ama battery cusub soo gado waxaa aad iyo aad loo soo jediyaa in battery-ga uu damba ku jiro mudo dhan 24 saac. Charger-gareeynta 24 saac batter-ga waxeey ka dhigeeysa mid full charge ah isla markaana wuxuu ka caawinayaa in battery-ga noloshiisa dheeraato.
·         F.G: marka uu full charger dhoho waa inaadan sugin ilaa uu battery low ka dhahaayo mar alaalo markuu gaaro rate-ka uu ubaahdo charger-ka inuu qaato ayaa muhiim ah

2. Battery-ga ka bixi computer-ka hadii in mudo aadan isticmaaleeynin
·         Hadii badanaa aad laptop-ka isticmaaleeyso asigoo kujira korontada isla markaana uu yahay full charger ama uusan aheeyn (marka uu batter-ga haleeysanyahay) batter-ga ka saar computer-ka oo si toos ah dabka kasii meesha ugu dhaw.
Hadii aadan qorsheeyneeynin inaad laptop-ka isticmaasho wax ka badan bil battery-ga waa inuusan ku sii jirin laptop-ka hadii xitaa computer-ka uu dansanyahay.
·  Marki aad battery-ga computer-ka ku soo celineeyso waxaa muhiim ah inta aad computer-ka isticmaalin ka hor battery-ga charger full ka dhigto.

3. Isticmaal Hibernate
Isticmaalid hibernate isticmaal inta aad isticmaali leheed sleep marki aad hibernate u dirto computer-ka wax dab ah dhan ma isticmaalaayo hadaba hadii aadan isticmaaleynin computer-ka waxaa haboon inaad hibernate y dirto.

4. Computer-ka ka fogee heerkurka
Battery-ga iyo computer-ka waxaa u fiican in laga fogeeyo kuleeylka sababtoo ah kuleeylka wuxuu sababa in battery-ga uu dhakhsi dhamaado.
   Computer-ka si kuleeylka uga ilaaliso qeeybta maraxawada wixi ku aadan ka leexi si kuleeylka computer-ka ku jiro uu banaanka uga soo saaro taas cagsigeeda waxeey keeneeysa in computer-ka uu kuleelka ku laabto.
Xigasho: www.somaliasoftware.blogspot.com

Si Aqri

Shirkadda HP Oo Soo Saartay Laptop ka Dunida Ugu Khafiifsan



Shirkadda caalamiga ah ee HP ayaa shir tiknoolajiyadda la xidhiidha oo horraantii bishii aynu soo dhaafnAy ee Abriil ka dhacay magaalada Versailles ee dalka Faransiiska waxa ay ku soo bandhigtay Kombiyuutarkii ugu casrisanaa ee ay samaysay oo ah nooca ballaca muraayaddiisu tahay 13.3 Inch oo ay shirkaddu u bixisay Spectre.

Kombiyuutarkan oo u samaysan qaab laga soo dhegtay shandadaha iyo qalabka ay dumarku qurux ahaanta u qaataan, ayaa lagu tilmaamay Kombiyuutarka gacmeed (Laptop) ee dunida oo dhan ugu khafiifsan, waxa aanu dhinaca dhumucda kula tartamayaa Kombiyuutarka shirkadda gacanta (Laptop) ee MackBook 12 oo ay soo saarto shrkadda Apple, waxase uu kaga sii fiican yahay dhinaca shaashadda iyo awoodda mishiinkiisa.
Kombiyuutarkan ay soo bandhigtay shirkadda Hp qoloftiisa sare waxa ay ka samaysan tahay, macdanno iyo Karboon taas oo sabab u ah in uu fudayd aad ah noqdo, adkaysigiisu bato, isla markaana tayada samayskiisu aad u weynaato. Kombiyuutarkan oo ah jiilka lixaad ee mishiinka Intel waxa uu ka kooban yahay laba nooc oo kala ah, Cori5 iyo Cor i7, RAM kiisa oo 8 GB ah, qaadkiisa guduhu (Internal disk storage) waa 512 GB, waxa aanu leeyahay nidaam is-qaboojineed oo aad u casri ah. Kombiyuutarkan casriga ah ee HP Spectre waxaa la socda sameecado dheeraad ka ah kuwa ku samaysan.
Waxaa xiise gaar ah leh awoodda dhinaca baytariga ee Kombiyuutarkan oo ay shirkaddu xaqiijisay in uu muddo 9 saac iyo badh ah shaqaynayo baytarigu halkii mar ee la buuxiyo. Ugu dambayntiina waxa ay shirkaddu sheegtay in diiwaangelinta dadka ugu horreeya ee iibsanaya kombiyuutarkani ay bilaabantay 25kii bishii aynu ku soo dhaafnay ee Abriil, waxa aanu iibkiisu ku furmayaa qiime dhan Kun, boqol iyo toddobaatan (1’170) Doolar, iyada oo suuqyadana si rasmi ah loogu soo deyn doono bishan aynu ku jirno ee May, 22 keeda. Sidoo kale shirkaddu waxa ay soo bandhigi doontaa noocyo si gaar ah loo iibinayo oo ah kombiyuutarkan oo qoloftisu ka samaysan tahay dahab nooca 18 giraam loo yaqaanno ah iyo macdanno kale oo qaaliya.

Xigasho: www.somaliasoftware.blogspot.com


Si Aqri

Arintu kolkay maansada joogto waxaa is hal-xidhaaleeya laba nin ama laba kooxood oo collaad maanso ka dhaxayso.Barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Tolmawaaye



Collad maanso kolkaan lee yahay waxaan ujeedaa laba nin oo kol horre si uun u colloobay dabadeedna ay doodii la gaadhay in ay isu gabyaan oo uu mid waliba kan kale gantaalaha maansada naxariis la'aan ugu gamuuneeyo.  Labadaa nin ama labadaa kooxood waxay isu gabyaan oo maskaxda ay tuujiyaanba, waxaa la gaadhi jiray heer dhinac waliba kan kale aqoontiisa maanso iyo tan garaadkiisa uu shaki galiyo.  Markaa ayey fariimaha hal-xidhaaluhu bilaaban jireen, garsoore waxaa ka ahaan jiray bulshadii dhagaysanaysay  ee ahayd ra'yul caamkii kasbidiisa dhinac waliba uu u halgamayey. 
Gabayaagii inta la hal-xidhaaleeyo furi waaya wuxuu mudan jiray quudhsiga bulshada, kii hal-xidhaalahaa lahaana wuxuu u muuqan jiray nin libaystay oo guuxa ragga iyo mashxarada dumarkaba mudan.  Laga yaabe hal-xidhaaluhu waayadii horre in uu ku ekaa amaba looga dan lahaa qiimaynta xawliga garasho ee qofka loo jeedinayey.  Hayeeshee, qaybaha maansada kolkuu ka mid noqday ayaa waxaa gadaalkii ul iyo diirkeed ama dun iyo lifaaqeed laga dhigay laba awoodood oo kala duwan.  Waa awooda tirinta maansada iyo awooda furidda hal-xidhaalaha.
Malaha waxaa la qiyaasayey hal-abuurku dadka intiisa kale in uu ka duwan yahay kuna tilmaaman yahay dareen soofaysan iyo degdeg wax u garasho heerkeedu sareeyo oo aan laga wada sinayn inta badanna lala wadaagin.  Xeer adad oo la deg saday ayaa wuxuu ahaa aan gabayaa dhab ah hkuu aqoonsadee tilmaamahaasi ma kugu duugan yihiin oo intaa iyaga kaashato ma furfurtaa dabinada hal-xidhaalaha ee asaagaa kuu maleegay?  Haddii kale xirib sii ridan ma lihid oo caamo oo kale ayaa tahaye dhagaha bulshada ka bax hal-abuurna ha sheegan.
Siday ila tahay, dhagayste, kaasi wuxuu ahaa xeer aan cadaaladu ku weyneyn, maxaa yeelay wuxuu i horseeday rag badan oo maleegga hal-xidhaalaha iyi furidiisa mooyee qeybo kale oo maanso ku fiicnaan lahaa in ay goobta ka baxaan ooy in yari ku kaliyeysato.
Tusaale Seyid Maxamed iyo Gooni:
Seyid Maxamed oo ahaa hogaamiyihii halgankii Daraawiishta iyo gabayaagii la odhan jiray Gooni kana tirsanaa dadkii Hobyo looga talinayey halgankaa iyo Seyidkana kasoo horjeeday ayaa waxaa dhexmaray colaad maanso oo gadaalkii hal-xidhaale isu rogtay.  Collaadooda maanso waxaa saldhig u ahaa collaadii siyaasadeed ee u dhaxaysay Seyidka iyo intii jihaadkiisa ku gacan saydhay ee uu Gooni ka mid ahaa.  Gooni wuxuu tiriyey gabay dheer oo hal-xidhaale ah kana kooban 16 qodob kuna wada dhamaada  "waa cajabee sheega?"  Seyidku markuu tixdaa helay mid mid ayuu u furay isagoo waliba cambaarayn iyo  ceebayn jawaab kasta ku ladhaya.  16kii qodon in aan wada sheegno waqti u heli mayno ee saddex qudh ah iyo jawaabtii Seyidku ka bixiyey aan isku soo koobo.
Wuxuu yidhi Gooni:
  • Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
  • Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye
  • Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
  • Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
  •  
  • Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
  • Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
  • Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega?
  •  
  • Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
  • Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
  • Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega?
  •  
  • Cir unkaday hilaac laga cabsaday karadh cabaadaysa
  • Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee sheega?
Seyidkaa furay oo wuxuu yidhi:
  • Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
  • Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
  • Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
  • Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega
  • Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
  • Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi?
  •  
  • Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
  • Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
  • Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine
  • Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e
  • War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay?
  •  
  • Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
  • Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
  • Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe
  • Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare
  • Dhiigii carada qooyey waa cadar di'iisiiye
  • Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta  maan saarin?!
Seyid Maxamed ayaa markaa,, markuu tii Gooni furay ayuu wuxuu tiriyey tix hal-xidhaale ah oo uu dhextaal uga dhigay "cara ee yaa sheega" kana kooban dhowr iyo toban qodob iyaduna.  Tixdaa waxaa wada furay Gooni.  Shan hal-xidhaale iyo jawaabihii Gooni ka bixiyey shantaa ayaan isku soo koobayaa.
Wuxuu Seyid Maxamed yidhi:
  • Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e
  • Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
  • Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?
  •  
  • Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin
  • Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
  • Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega?
  •  
  • Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
  • Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
  • Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
  •  
  •  Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
  • Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya
  • Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
  •  
  • Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
  • Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
  • Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
Shantaa qodob jawaabihii Gooni ka bixiyey waxay ahaayeen:
  • Anagaan ciraab li'i ku kicin curuf la'aaneede
  • Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
  • Wax cad oo madow sow indhaha ina caroow ma aha
  •  
  • Waxa dunida caadil u ah oon ciddi khilaafaynin
  • Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
  • Aan calalna oogada ka qabin waa cajab Ilaahe
  • Cunno weeye oo waa aqaan caynka ay tahayee
  • Caradhoonku waa waxaad kurtiin calalinaysaane
  • Maxaad iga cimrayn saa anaa kaa ciraab badane
  •  
  • Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
  • Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
  • Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
  • Ma adaan caraabada gudmada ceelasha u qaadin
  •  
  •  Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
  • Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya
  • Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
  • Cudaarkiyo xidkaha kale miyuu calagu noo sheegi
  •  
  • Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
  • Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
  • Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
  • Camcamada nafta iyo waa danbiga laysku caajimaye
  • Nin cadaab ka baqayaa ma falo camalka qaarkiise
  • Cowdiyo bilee Eebe maa laga cabsoonaado
Aw-Axmed Diini:
  • Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta
  • Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso
  • Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa
  • Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin
  • Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin
  • Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?
  •  
  • Ceesaamo wada shoob casoo lag iyo shii gaadhay
  • Oo sano shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobay
  • Aan naaso shaygood la arag wadana sheemaysan
  • Oo uunku wada shaabacdoo dharag ku sheebaystay
  • Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?
Nasiib darro, ma aanaan helin mana ogin in ay jiraan iyo in kale jawaabo uu Maxamuud ka bixiyey labadaa tuduc. 
Waxaa mudan in loo fiirsado fikrada meesha ku jirta ee ah gabayaanimada Maxamuud iyo aayihiisa suugaameed in ay ku xidhan yihiin kolba siduu u garto jawaabtaa iyada ah ee furaheedu laabta Aw-Axmed Diini uu ku duugnaa.
Mid kalana waa kii lahaa:
  • Gud iyo Yicib gaydhiyo maraa geedo tiro gaadhay
  • Haddaad gabay nin shaacir ah ku tahay goynka ka higaadi?
Wuxuu ku jawaabay: 
  • Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geed e
  • Garaad laawe yahoow ma anagaa garan  aqoon wayna
Q/W: Mohamed nour
Tolmawaaye@gmail.com
Si Aqri

HEES JACEL AH AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG OO QORAL IYO MUQAL AH




Afka lagama sheegtoo
adigoon jacayl arag
looma uur xumaadee

Aniguu i helayoo
intuu soo abraaruu
xadhig igu adkeeyee

soowtan aramadiisii
oofaha dhexdoodiyo
adhaxduu i gooyee

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow

ha igu eegine
ii imoow.

Anfacadii ka go ayoo
eedaadka caashaqa
u adkeeysan waayee

intuu igu itaalsadey
iimana tudhaayoo
anfariir ka qaade

sow tan alhumadiisii
igu sii fideeysee
aan ka jiifsan waayee.

Kii igu abuureen
u ilmeynayoow
ha igu eegine
ii imoow.
waxaa kuu diyaariyey
Q/W mohamed nour
Tolmawaaye@gmail.com
https://tolmawaaye.blogspot.com
Halkan ka Dawo 

Si Aqri

Waa Sheekadii cusbeyd ee Arxan iyo Araaro Caanshaq Qeybtii 4aad














Maalintaa sidii ayaa fasaladii loogu huleelay Cawil sida nin maqan oo ay wax ka maqan yihiin inuu yahay cid kasta ayaa dareemeysay waxa uuna ka fikiraayey Muna oo uu ka cabsi qabay in ay ku diido dareenka uu xageeda u qabo,
subaxaas waxa badan ayaa uu is weydiinaayey isaga oo ka cabsi qabay in qof kale uu qalbigeeda ku jira maadaam iyada laf ahaanteeda ay tiri Jaceylka hore ayaa uu ii soo maray Cawil taa ayaa cabsi weyn ku heysay

Subaxaan waa Subax Arabaca waana maalinta ugu dambeysa taxanaha waxbarashada ee Usbuuca sida caadada u ah Jaamcada waxaa isugu yimaada ardayda ku jirta sanadka ugu dambeysa oo ka wada yimaada dhamaan qeybaha ee Jaamcada ku ledahay magaalada Muqdishu waxaa dhacda in xilliga dhextaalka maqaayada ay aad u mashquul badan tahay saaka Cawil markii uu Maqaayada tagay oo uu arkay sida Ruqiya iyo saaxiibteed u mashquulsan yihiin ayaa uu shaqada dhinaciisa ka galay oo wax badan la fududeeyey isaga oo dalabka ardayda inta uu ka aruuriya misana ka soo qabanayey Muna ardaydana cid kasta miiska ay fadhisa ugu geynayey

Markiiba si dhaqso leh ayay quraacdii subaxdaas ku dhamaaday maqaayadiina isugu soo hareen Cawil, Ruqiya iyo Muna waxaana Cawil u mahad celisay Ruqiya oo ku tiri

Ruqiya:
Maasha Allah Cawil waan ku mahad celinayaa saaka haddii adan adiga ahaa laheyn waa la isku jahwareeri lahaa

Cawil:
Waa la isku leeyahay sidaa ha dhihin

Muna:
Jinoolka si fiican ayaad u shaqeysay laakiin fiiri shaarkaaga waad isa wasaqeysay

Cawil:
Dhib malaha manta fasalka laguma noqonayo marka xaafada ayaad toos u aadayaa haddii aad dooneysid waan ku sii dhaweynayaa

Muna:
Micnaha baabuur ayaad wadataa

Cawil:
Haa walaal wax dhib ah iguma heyso in aan xaafadiina idiin geeyo waana ii sharaf

Muna:
Reer lacag leh ayaad ka dhalataya walaahi waad u muuqataa wiil koolkoolin lagu koriyey

Cawil:
Marna Jinoole I dheh marna wiil dalac ku soo koray ayaa atahay I dheh laakin mid xasuusnaaw in aan aragtida ugu horeysay aan kaa helay

Ruqiya oo inta la wada hadlaayey ku mashquulsaneyn alaab dhaqid ayaa sheekada soo dhex gashay oo tiri

Ruqiya:
Horta Muna waad ku qaldan tahay in aad wiilka Jinoole dhahdo walaahi Cawil wiilasha jaamacada dhigta waa wiilka ugu degan waxaana aaminsanahay in aad nasiib ledahay inuu kaa helo waayo haasaawida dumarka maba lagu yaqaano

Cawil:
Maya Ruqiya aniga dhib uma arko in ay Muna Jinoole igu yeerto ileyn qurxudeeda ayaa I waashay

Muna:
Si kasta waan kuu mahad celineynaa runtii howl wacan ayaad nala qabatay mida kale aniga meelo badan ayaan sii marayaa kuma sii raaci karo Ruqiya uun xaafada gee

Cawil:
Ruqiyana xaafada waan geynayaa adiga meelaha aad rabto oo dhan waan ku marsiinayaa taasi aniga dhib iguma ah haddii aadan adiga I diideynin

Ruqiya:
Aniga xoogaa ayaan joogayaa Cawil balse Muna suuqa ayay sii mareysaa hore u qaad kadibna xaafada gee

Cawil:
Ok waan marsiinayaa Muna taasi aniga ilama weyna adiga soo adeega aniga laamiga ayaan kugu sugayaa

Muna:
Laakiin!

Ruqiya:
Laakiin laakiin maaha isa soo diyaari Cawil baabuurka ayaa soo bixinayaa sow sidaa maaha Cawil

Cawil:
Haa haa baabuurka ayaan soo bixinayaa

Markiiba waa baxay Cawil isaga oo aad u faraxsan oo aaminsan in tani ay tahay fursad weyn

Muna:
Naayaa Ruqiya maxaad damacsan tahay oo aad ninkaan qoorta igu sureysaa

Ruqiya:
Naa wiilka niyada haka jibin waa uu kaa helayee

Muna:
Waa uu kaa helay! naa halkee geynayaa arrinkayga waad la socotaa halkee geyaa kanina

Ruqiya:
Qalbigaaga ayaa uu kasban doonaa waan hubaa Saciidna qayaanadiisa waad ilaawi doontaa ileyn waa nin damac lacag uun qabo balse Cawil waa wiil si dhab ah kuu jeclaaday

Intii aysan Muna jawaabin ayaa uu Cawil soo galay oo uu yiri

Cawil:
Haye Muna ma soconaa

Muna madaxa uun ayay ruxday oo soo raacday Cawil oo baabuurka soo dhigay meel aan ka fogeyn maqaayada sidii ayaa uuna albaabka kaga furay oo u tilmaamay in ay gasho Muna oo weli yaaban ayaa gudaha u gashay Cawil oo farxadiisa cid kasta dareemi karto ayaa markiiba baabuurka dhaqaajiyey Axmed iyo Aamina oo meel dhinac ah u taagan ayaa uu ku soo maray oo intii uu Axmed gacanta u haatinaayey la dhaafay Axmed markii la dhaafay ayaa uu yiri

Axmed:
Walee saaxiibkey waa la galay

Aamina oo yaaban ayaa tiri

Aamina:
Oo kaalay Cawil muxuu sidaan noogu galayaa oo aan ka galabsanay

Axmed:
Wixii manta ka dambeeya waa in aan isku tashano saxiibkeen waala helay

Aamina:
Oo maxaa helay oo aad ogtahay mida kale waa tuma gabadha baabuurka u saarneyd

Axmed:
Waa la ogaan doonaa cida ay tahay ee ma soconaa

Aamina:
Waa ku qasban nahay ileyn cid aan sugno ma jirtee kolay halkaan wax gaari ah kama heleyno waa in aan hore u sii soconaa

Axmed:
Waa sidaas walaahi si xun ayaa uu manta noo galay saxiibkeen

Aamina:
Aniga dhib uma arkee waa tuma gabadha baabuurka saarneyd

Axmed:
Waa Muna Yarey magaca uu walaalkaa ula baxay gabadha

Aamina:
Gartay Muna maxay aheyd iyada halkee ayaa ay naga soo gashay

Axmed:
Maalmahaan hawada waa ku jirtay ee adiga ayaan la socon

Aamina:
Gartay

Axmed:
Waa gabar beryahaan qalbiga Cawil qabsatay oo inuu u waasho ku dhaw

Aamina oo hadalka Axmed u fahamtay mid cayaar cayaar ah ayaa tiri

Aamina:
War ka daa Axmed hadalka halkaas ha u leexin ma Cawil ayaa jaceyl dareemay taasi waa wax aan aamini Karin

Axmed:
Hadaba hadaa aamini doono Cawil gabadhaan aragtidii ugu horeysay ayaa uu la ashqaraaray

Aamina:
Taasi waa mid aan kaa diiday ma Cawil ma ninkaan dhagaxa ah ayaa I leedahay dareen uu qof u qaado ayaa uu leeyahay maya maya waa diiday

Axmed:
Hadalkayga meel kale ha ka raadin Aamina

Aamina:
Maya igama daadageyso taa

Axmed:
Adiga ayaa ay kaa daadegi doontaayee soo talaabo dheerey waad ogtahay xilliyadaan baaburta waa dhib badan tahay oo lama helayo


Markiiba waxa ay heleen gaari BL ah oo boos kaliya ka banaan oo ay Aamina ku fadhiisatay  halka Axmedna uu daaqada qabsaday sidii ay xaafadooda ugu huleeleen Aamina marnaba ma aaminsaneyn in Cawil uu gabar ka helay oo waliba ku waalanayo tani iyada lama qaataan ayay ku aheyd.


Arxan iyo Araaro Caanshaq waxeey ka socota https://tolmawaaye.blogspot.com
Q/W: Mohamed Nour
Xigasho: jowhar.com
Si Aqri

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh