www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 20, 2016

Dagaalkii Dhaxmaare Neymar Iyo Jordi Alba Ku Dhexmaray Garoonka Camp Nou Kulankii Ay Guuldarada Ka Soo Gaartay Valencia.


iyaadow malmahaan Danbe nadiga barcelona oo ku soo wajahde guul daaro xuun
Marka xaalada ay xun tahay, wax walba oo xun ayaa banaanka u soo baxa. Barcelona iyadana kama duwana sidaas. Dhacdadii ugu danbeysay waxaa qabatay kaamirada El Dia Despues ee Movistar. Waxay dhacdada u dhaxeysay Neymar iyo Jordi Alba, goobta ay ka dhacday waa garoonka Camp Nou kulankii ay guuldarada 2-1 Barca ka soo gaartay Valencia.
Isku dhaca labada ciyaaryahan ayaa yimid xilli ay Barcelona weerar aheyd. Neymar ayaa weydiisanayay in kubada loo soo baaso, laakiin Jordi Alba ayaa go’aan kale qaatay isagoo iska indhotiray codsiga xiddiga reer Brazil kaasoo qarin waayay caradiisa “Go f*ck yourself! Maxaa kugu dhacayt? Maxaa kugu dhacay? Maxaa ka qaldan?” ayuu ku qeyliyay Neymar.

Dhacdadaan ugu danbeysay, natiijooyinka xun xun iyo eedeymaha ka dhanka ah Neymar, Barcelona ayaa ku jirta waqti aad u xun.
Labada ciyaaryahan ayaanse isku imaanin laakiin waqti kooban Alba ayaa gacantiisa midig ku taagay Neymar isagoo iska dhegotiraya aflagaadada uga imaaneysa ninka ay isku kooxda yihiin.
Si kastaba, labada ciyaaryahan ayaa u muuqday kuwa isbiirit fiican ku jira tababarkii shalayto iyagoo isku diyaarinaya kulanka caawa ee Deportivo La Coruna.
Q/W: Cumar c.laahi ( Daacad )

http://www.tolmawaaye.blogspot.com/#


1 comment:

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh