www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 20, 2016

Aqoonyahnno somaliya iyo somaliland ayaa laku casume xarunta Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmay Ankara ka dib markii ay martiqaadday Xarunta Daraasaadka Siyaadaha Dibadda iyo Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda.
Waxay ka wadahadleen taariikda kala duwanaashaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Laba maalmood oo dodo ah oo dhacay 19-20 April, kooxdu waxay isla eegeen walaaca iyo doonista ka jirta xaaladda hadda taagan, iyada oo ay goobjoog ahaayeen aqoonyahanno Turki ah.
Waxay is weydaarasadeen afkaar iyo fursadaha Somaliland iyo Soomaaliya ee ay aqoonyahannadu iska kaashan karaan.

Somaliland waxaa ka socday Dr. Xuseen Bulaxn, Maxamuud Cabdi Xaamud iyo Xasan Khaliif. Dhinaca Soomaaliya waxaa ka socday, Prof Xuseen Warsame, Dr. Maxamed Shiikh Cali iyo Yusuf-Garaad. Waxaa sawirka ka muuqda Ergeyga Gaarka ah ee Turkiga ee wadahadallada Soomaaliya Iyo Somaliland, Danjire Ahmed Riza Demirer.


xigasho wareed run ah : Yusuf-Garaad



No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh