www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Friday, April 22, 2016

Maxaad Ka Taqaan 6 Qodob Furayaasha Qalbiga Ee Gabadha Laku So Jiido ?

Gabadhu abuur ahaan waa xasaasi, waxa aanay jeceshay kalgacal iyo shucuurta naxariista iyo koolkoolinta lihi in ay udub dhexaad u noqoto nolosheeda, marka la eego xidhiidhka ay la yeelanayso ninka ay damaca guur ka leedahayna waxa ay mar kasta ku dadaashaa in uu noqdo mid kalgacal xooggan ku dhisan. Laakiin in ninku uu gabadha qalbigeeda hanta waxa ay u baahan tahay furayaal dhowr ah oo weliba isticmaalkoodu xirfad iyo caqli badan u baahan yahay. Waa arrinta aan maanta  la wadaagayno akhristayaasheena waxa aanu ka soo xiganay majaladda caanka ah ee Sayidatii oo ka faalloota arrimaha haweenka iyo guud ahaanba qoyska:
1. Dareen: Qalbiga haweenku waa sida ubaxa, markaa waxaa waajib ah in loola macaamilo si taxaddar badan leh, waxa ay mar kasta u baahan tahay jacayl iyo in la dareensiiyo daryeel iyo kool-koolin. Ninka doonaya in uu isjeclaysiiyaa waa in uu tuso in jacaylka ka sokow uu yahay ruux daryeel, xannaanayn iyo kool-koolin ay ka heli karto.
2. Isfaham: Qaylada iyo rabshaddu gabadha waxba uma soo kordhiyaan, dabeecaddeedana waxba kama beddelaan. Is-fahamka ayaa ah furaha ugu muhiimsan ee nolol qoys oo guulaysata, sidaa awgeed waxaa nin kasta waajib ku ah in uu fahmo waxa ay dhab ahaan xaaskiisu doonayso iyo in uu si dhibirsan ula macaamilo. Xoog la isu-adeegsado iyo madax adaygu waxa ay sii huriyaan colaadda.
3. Danayn: Gabadhu sideedaba waxa ay jeceshay ninka ay ka dareento in uu xaalkeeda iyo nolosheedu ay muhiim u yihiin. Ninka qalbigeeda hantaana waa ka u muujiya sida ay muhiim ugu tahay, waayo cadowga koowaad ee gabadhu waa wehel la’aanta, cabsida iyo kalsooni darrada, qalbigeeda burburiyaan.
Ninka doonaya in uu gabadha hanto waxaa la gudboon in uu haasaawiyo, ka farxiyo, tusana in uu u yahay wehel garab taagan.
4. Kalsooni: Ninku ha ku dadaalo in gabadha uu tuso in uu yahay qofka qalbigeeda ugu dhow, ku dadaal in aad kalsooni ku abuurto oo ay iyadu noloshaada udub dhexaad u tahay. Haddii aad aragto mushkilad haysata tus in aad garab taagan tahay, wixii aad la qaban kartana diyaar u tahay. Ogow in kalsoonidu ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee jacayl lagaga kasban karo qalbiga gabadha.
5. Ilaalin: Gabadhu waxa ay nafsi ahaan dareentaa in ay u baahan tahay wehel ammaan ah, tus in aad diyaar u tahay in aad dhinac kastaba adigu waardiyeynayso.  Ku hor ixtiraam ehelkaaga, asxaabtaada iyo carruurtaada oo iska jir in aad hortooda wax aan fiicnayn iyo canaan uga soo jeediso.  Iska jir in cidi hortaada ku tidhaahdo erey dhaawacaya shucuurteeda, waayo gabadhu waa ay jeceshay ninka ay u aragto in uu garab taagan yahay.
6. Kalgacal: In kasta oo uu dheeraado waqtiga guurku, haddana gabadhu kama weynaato jacaylka ay u qabto in ay saygeeda ka maqasho ereyga ah ‘Waan ku jecelahay’ ha ka gaabin in aad indhaheeda eegto oo aad kelmaddan ku si niyad ah ugu tidhaahdo da’ kasta oo ay tahay, waxaa hubaal ah in ay dib qalbigeeda u furi doonto, ruuxdii firfircoonida iyo kalgacalkii dhalinyaronimana dib u abqaali doonto.
Qalbiga gabadhu waa sida ubaxa, laakiin isaga waraabkiisu waa kalgacal loo muujiyo, haddii uu waaya dhaqso ayaa uu xaanaaqee...

Q/W: mohame nour







No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh