www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 20, 2016

FIFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Xulalka Qaramada Aduunka Ee Bishan April ayaa Xulka Qaranka Argentina Oo Kaalinta Kowaad Kala Baxay Belgium, Chile Oo Booskii Ugu Sareeyay Soo Gashay, Germany Oo Kaalinta Lixaad Ku Jira.




Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay qiimaynta bilaha ah ee xulalka qaramada aduunka ee bishan April ee aan ku jiro, waxaana kaalinta kowaad dib ugu soo laabtay xulka qaranka Argentina oo booska kowaad kala baxay Beligum.
Lionel Messi iyo asxaabiisa Argentina ayaa kulamadii caalamiga ahaa ee dhamaadkii bishii March wacdaro ka soo dhigay iyaga oo soo wada guulaystay labadii kulan ee ay la soo ciyaareen xulalka qaramada Chile iyo Bolivia ee loogu soo baxayay koobka aduunka ee 2018 ka ee ka dhici doona dalka Ruushak. Argentina oo muddo ka maqnayd kaalinta kowaad oo Belgium haysatay ayaa dib u heshay booska kowaad ee qaramada aduunka.
Argenina ayaa kaalinta kowaad ka maqnayd tan iyo bishii November 2015 markaas oo xulka qaranka Belgium uu markii taariikhdiisa ugu horeeyay uu kaalinta kowaad ka galay qiimaynta bilaha ah ee FIFA laakiin Belgium ayaa hadda ku jira kaalinta labaad iyaga oo hal boos hoos u soo dhacay.

 Xulka qaranka Chile ayaa kaalinta saddexaad soo galay waana kaalintii ugu saraysay ee ay abid soo galaan halka xulka qaranka England uu buuxiyay kaalinta tobanka xulalka qaramada aduunka ugu sareeya. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany ayaa ku jira kaalinta shanaad halka uu qiimayntii hore kaga jiray kaalinta afraad waxaana booska afraad xidhay Colombia. Spain ayaa ku jirta kaalinta lixaad halka Uruguay ay soo gashay kaalinta sagaalad.



2. Belgium (1)
3. Chile (5)
4. Colombia (8)
5. Germany (4)
6. Spain (3)
7. Brazil (6)
8. Portugal (7)
9. Uruguay (11)
10. England (9)
11. Austria (10)
12. Ecuador (13)
13. Turkey (20)
14. Switzerland (12)
15. Italy (14)
16. Mexico (22)
17. Netherlands (15)
18. Hungary (19)
19. Romania (16)
20. Bosnia-Herzegovina (21)

Q/W: Mohamed nour






No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh