www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 13, 2016

ma ogtahay aqriisto Isticmaalka Badan Ee Telefoonada Casriga Ah Iyo Xusuusta Qofka wax maka ogtahay

wax ka ogaawo "smartphones" oo daraasadi ugu danbeyse ee qubarad caalanka ku sheeken ma xeetahay ?
Isitmcaalka xad-dhaafka ah ee moobillada casriga ah (smartphones) iyo internetka, ayaa la ogaaday inay keenaan in qofku illaawo macluumaad muhiim ah iyo inuu noqdo mid aan dareenkiisu soo jeedin xataa marka aannu isticmaalayn tiknoolajiyadda ee manta ka jiirto caalanka.
Arrintani kuma koobna isticmaalka internetka iyo baraha bulshadu ku kulmaan (social Media) oo keliya, laakiin waxay sidoo kale asiibtaa dadka aan telefoonnada casriga ah ku isticmaalin internetka.
Dadka aadka u isticmaala telefoonnada iyo internetka waa qaar khaladaadkoodu aad u badan yahay, illowshiyo badan, dareenkooda maskax ahaaneedna aannu soo jeedin sida daraasaddu xustay.
Dr. Lee Hadlington oo ka tirsan Jaamacadda De Montford University Leicester, ayaa sheegay in 210 qof oo da’doodu u dhexayso 18 ilaa 65 jir ay ka ururiyeen xog ku saabsan dabeecadahooda, xusuustooda iyo firfircoonidooda, waxaannnu tibaaxay in ay ogaadeen in dadka caadaysta isticmaalka internetka iyo telefoonnada maskaxdoodu mashquul weyn gasho, taasina keento in qofku illaawo waxyaabaha muhiimka ah, marka uu dadka la joogana maskax ahaan uu noqdo maqane jooga.
“Tani waa mid ku tusaysa saamaynta tiknoolajiyadda, mana fahamsanin dhibta ay innagu keento. Ma garanayno waxa ku dhaca maskaxdeenna marka aynnu tiknoolajiyadda isticmaalo, waana arrin muhiim ah in la ogaado. Waax aan cilmi-baadhistan ku ogaanay waxa weeye, in dad telefoonnada iyo internetka aad u isticmaala maskaxdood aad u mashquul tahay, sidaa darteed waxaannu u baahannahay in aannu fahamno wax badan oo ku saaban saamayntan,” ayuu yidhi Dr. Hadlington.
Cilmi-baadhis hore ayaa muujisay in dadka waqti badan ku qaata internetka aanay shaqada ku fiicnayn, halka daraasad kaloo  sannadkii hore la baahiyey sheegtay in telefoonnada casriga (Smartphone) dadka ka dhigeen kuwo aan si madaxbannaan u fikirin oo isku halleeya macluumaadka telefoonnada ugu jira, halkii ay ka fikiri lahaayeen.






No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh