www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 20, 2016

warbixin ku sabsan : Arsene Wenger Oo Bartilmaameed Ka Dhigtay Riyad Mahrez, Wadahadalada CR7 & PSG Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah.



Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhiganaya weeraryahanka kooxda Leicester City Riyad Mahrez oo 25 sanno jir ah bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga. (The Sun)
Paris St-Germain ayaa xiriir la sameysay tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho kaasoo sidoo kale diirada u saaran Manchester United waxaana ay doonayaan inuu noqdo tababarahooda xiga. (Independent)
Kooxda Tottenham ayaa ka walaacsan in tababare Mauricio Pochettino inuu haatan noqdo nin diirada u soo kora koxoda Manchester United oo la filayo inay tababare cusub yeelato xagaaga. (The Sun)

Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku oo 22 sanno jir ah ayaa aaminsan inay jirto howl aan dhamaanin oo ka taala kooxdiisa hore ee Chelsea. (Daily Mirror)
Tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa lagula taliyay inuusan heshiis dib u soo iibsasho ah ku darin heshiiskii uu Lukaku ugu wareegay Everton, sidaasi darteed Blues haatan waxa ay ku qasban tahay inay ciyaaryahankeedii hore kula soo wareegto 65 milyan ginni. (Telegraph)
Porto ayaa xiiseyneynin inay si joogta ah kula wareegto daafaca Watford Miguel Layun dhamaadka xilli ciyaareedkan. 27 jirkaan reer Mexico ayaa amaah ku jooga kooxda reer Portugal. (A Bola)
Layun ayaana taas bedelkeeda ku biiri kara Real Madrid, iyadoo kooxda reer Spain ay raadineysa daafaca kursiga keydka u fadhiya 27 jirka reer Brazil Marcelo. (AS )
Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo oo 31 sanno jir ah ayaa la kulmay madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi shan jeer iyagoo ka wada hadlay sidii uu xagaaga ugu soo wareegi lahaa caasimada Faransiiska. (France Football)
Borussia Monchengladbach ayaa isku dayi doonta inay si joogta ah kula wareegto daafaca 20 jirka kooxda Chelsea Andreas Christensen xagaagan. (talkSPORT)
Man City ayaan wax go’aan ah ka gaari doonin mustaqbalka goolhaye Willy Caballero, daafaca Pablo Zabaleta, Bacary Sagna iyo xiddigaha khadka dhexe Yaya Toure iyo Fernandinho iyo xiddiga garabka ka ciyaara Jesus Navas ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan. (The Guardian)
Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Gedion Zelalem oo 19 sanno jir ah ayaa u furan inuu ku laabto Rangers oo uu haatan amaah ku jooga xilli ciyaareedka danbe. (London Evening Standard)
Kooxda Manchester United ayaa soo daawatay 18 jirka khadka dhexe ee kooxda Bologna Amadou Diawara intii ay socotay kulankii ay guuldarada 1-0 kala kulmeen Torino. (Daily Express)
Xiddiga garabka ka ciyaara ee Napoli Dries Mertens oo 28 sanno jir ah ayaa diirada u saaran Liverpool laakiin xiddiga reer Belgium ayaa lagu waramayaa inuu u dhow yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Talyaaniga. (Daily Express)
Q/W: cumar cabdulahi (- Daacad -)



No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh