www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Wednesday, April 20, 2016

Warbixin: Kadib Markii xalada ku xuumate Xiligii U Xasaasisanaa Ee Horyaalka La Liga, Macalimiinta Sadexda Koox Ee Ugu Sareeya Oo Bilaabay Iney Dagaal Maskaxeed Isku Isticmaalaan



Maalintii shalay aheyd iyi fiidnimadii xalay waxaa dhamaan shirkooda jaraa’id ee kulamada ay caawa iyo beri kala ciyaarayaan qabtay macalimiinta kooxaha ugu sareeya ee horyaalka La Liga Luis Enrique, Diego Simone iyo Zinedine Zidane kuwaasoo dhamaan istcimaalay dagaal maskaxeed xili lagu jiro xaalad adag oo xasaasi u ah ee xaalada horyaalka La Liga.
Ninkii ugu horeeyay ee saxaafada hor fariista wuxuu ahaa Simone kaasoo isku dayay inuu kooxdiisa ka ilaaliyo wax cadaadis ah xili uu cadaadis badan ka saaran yahay xaalada adag ee xili ciyaareedka dhamaadkiisa, Diego ayaa yiri “Sida aad og tihiin aniga ma ahi nin ka hadla qiyaasaha, waxaan ka hadlaa waxa maskaxdeyda ku jira, waa wax si waali ah u adag in la qiyaaso cida ku guuleysan karta horyaalka, kaliya anaga waxaan ka fakareynaa inaan diirada saarno kulamadeena anagoo aan eegin waxa ku dhaca kooxaha kale”

El Cholo aya au sheegay ciyaartooydiisa iney gaareen ujeedkoodii xili ciyaareedka bilowgiisa isagoo yiri “Waxaan gaarnay ujeedooyinkeenii, waxan meel fiican ka joognaa Champions league, waxaan kaliya ka fakareynaa waxa aan sameyn karno inaan garno heerka aan gaari karno, culeys naguma hayaan kooxaha kale”.
Zidane ayaa ahaa ninkii labaad wuxuuna si macquul ah uga hadlay cadaadiska saaran kooxdiisa isagoo sheegay ineysan iyaga ka walwalsaneyn wax ka badna kulanka Villareal wuxuuna yiri “Anaga ahaan arinta ugu wanaagsan waa inaan ka fakarnaa kulanka or Villarreal, kadibna Rayo, kadibna Manchester City, kadibna kulanka xiga, kadibna kan kale, sidaas ayaan ku wadeenaa”.
Ayaa ugu cad cad horyaalka ? Cidna, suga, ma aha wax run ah in koox hebla ay ugu cadcadahay horyaalka, waxaan aaminsanahay in mid kamid ah sadexdaan koox ku guuleysan karto koobka”.
Luis Enrique, oo ah macalinka hogaamiyeyaasha haatan ee horyaalka ee Barcelona, ayaa ah kan ugu danbeeyay oo hadlay wuxuuna yiri “Waxaan qiyaasayaa inaan dabcinay xoogaa, laakin wali waxaan ku tiirsanahay nafteena, tartankaan horyaalka waa mid adad laakin waa mid aan haatan anaga gacanta ku heyno”.
Isagoo isku dayaya inuu kooxdiisa ku qanciyo iska iloobitaanka natiijoyinkii xumaa ee waayadaan soo maray ayuu yiri “Wax waliba oo dhaca waxaan hubaa inaan noqon doono anaga horyaalka dalkaan !, shaki kama qabo midaas laakin taas macnaheeda ma ahan inaan halkaan fariisto oo aan iraahdo waxaan qaadeynaa horyaalka”.

Q/W: mohamed (- Dalnuurshe -)


No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh