www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Saturday, April 23, 2016

Xiriirka Kubada Cagta ee somaliyeed oo laku bahdiile dalka Jabuuti







Soomaalidu waxay Tiraahdaa “Abaal ninkii galaa in loo gudaa Gar weeye” mid kale waxay ahayd “Abaal Waa  la galaa Balse Cid  Gudaa Way yar tahay”  waxaan Arintaa ku keeney Ka dib markii Xulka Qaran Soomaaliya oo isu Diyaarinayo Isreeb Reebka  Koobka Dunida uu dhawaan u dhoofey Dalka Itoobiya halkaasuu  Lugta hore kula Ciyaari dooaa Wadanka Niger, waxayna Ciyaartaan Dhaceysa   9-ka Oktobar  ee Fooda naga hayso iyadoo inta ka horeysa Xulka uu ku Tababar qaadanayo Magaalada Adis-Ababa.
Bulshada Soomaalieed  gaar ahaan Bahda Isboortiga ayaa is weydinaya  Sababta keentey in Xulka Soomaaliya uu ku Ciyaaro Dalka Itoobiya iyadoo laga Wada Dheregsan yahay in 24-kii Sano ee la soo dhaafey Xulka Soomaaliya  iyo Kooxahuba ay ku ciyaarayeen  Dalka Jabuuti  oo Guri u ahaa halkaas oo si aad ah looga soo dhaweyn jirey maadaama Soomaaliya Garoomadeeda iyo Xaalada Nabadgelyo aaney Wanaagsaneyn.
“ Aad baan uga xumahay in Xulka Qaranka Somaaliya uu Xiligaan ku ciyaaro Dalka Itoobiya isamarkaana uu tababar ku qaato  Magaalada Adis –Ababaa, waxaana arrintaa sababteeda  leh Hogaanka Xiriirka Kubada Cagta  Soomaaliya oo dhabarka u jeediya Walaalaheen Reer Jabuuti oo aan ogahay in muddo dheer ay Taageero la Daba taagnaayeen Ciyaartoyda Soomaaliyeed hadii ay noqon lahayd  Jiif, Cunto, iyo meel ay ku tababartaan” sidaa waxaa ku Cataabey nin ka mid ah Bahda Isboortiga oo aad uga gubtey sida loola dhaqmey XIriirka dalka Jabuuti waa uu si Hadley  oo waxaa uu yiri .
“Waxaan Xulka u raacay Dalka Jabuuti si ay halkaa ugu ciyaaraan isamarkaana ugu Tababartaan, waxaa na loo baneeyey meel la yiraahdo  Xero Kubad, waxaa isa Saaran Garoonka iyo Halka la jiifsado, waxaana aan Xasuustaa in Xeradaas ay Xiligaa ku tababar qaadanayeen Xulka Jabuuti, waxaa Farxad igu abuurtey  sida Niyad samida ah ee Xiriirka kubada Cagta noogu baneeyeen Xero Kubad, Waxaase Xusid Mudan in dadka reer Jabuuti ay nala qaybsanayeen Guul iyo Guuldaro”.
Xubin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta oo diidey in Magaciisa la xigto ayaan wax ka weydiiyey sababta   Waqtigaan dhabarka loogu jeediyey Reer Jabuuti,  waxaana uu  yiri “Markii Koox ama Xul uu marti kuu yahay waxaa waajib ah  in aad bixiso Kharashka  ha noqdo Jiif,  Raashin iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin Cida martida kuu ah, Dalka jabuuti  marar badan  ayaan gurigooda ku ciyaarney wax Kharash ah oo la bixiyey ma jiro, waxaa Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku uruurey Lacago badan oo Dayn ahaan uu u Bixiyey  Xiriirka Jabuuti oo la rabey in Xiriirka Soomaaliyeed u bixiyo madaama Lacagtaas ay FIFA soo dhiibi doonto  sidaa Darteed  waxaa mar kale la rabaa in lagu beer Laxowsado Itoobiya oo in badan hadana lagu moodo ”
Anigoo ah Amiin Yuusuf Khasaaro Sannadkii 2009 mar aan Xulka Qaranka aan u kaxeeyey Dalka Suudaan  ayaa waxaa ku sii hakaney Dalka Jabuuti maadaama ay ahayd Gurigeenii labaad, waxaa halkaa ku qaadaney Muddo Todobaad ah tababar waxaana mar waliba na soo booqanayey Dadka reer jabuuti oo ku faraxsanaa Imaanshaheena, qaarkood waxay Ciyaartoyda Soomaaliyeed u keeneen  Hadiyado, waxay mar waliba jaclaayeen in aan iska joogno   Jabuuti, maalinkii aan ka tageyney  Hooyo reer Jabuuti ay ah ayaa ka timid Ilin, waayo waxay ka xumeyd in aan ku ciyaarno Suudaan, waxaan markii dambe u sheegey in Suudaan aan uga qayb galeyno Tartamo Ciyaareed, waxan ugu laab qaboojiyey in aan ku soo laabaneyno Dalka Jabuuti .
Markaan ka soo laabaney Suudaan ayaa waxaan Safarkeenii Ku hakanay Magalada Adisb Ababa, waxaan  weli Qaluubteyda ka Go’i weydey in Mudo Dhowr maalmood aan ku xayirnayn  Magaalada Adis –Ababa, Xitaa Xiririka maanta jira  mar aan la soo hadalney waxay nagu yiraahdeen  Isdabara, waxaa Sawirada  kaaga muuqda Ciyaartooyda Soomaaliyeed sida  loogu dhibaateeyey Garoonka Adis –Ababa marka  waa wax lala yaabo in maanta la yiraahdo Xulka  Qaranku  wuxuu ku ciyaarayaa Dalka Itoobiya oo   aan ogahay in Cimiladiisu ay aad u qabowdahay Madaama dadka Soomaaliyeed ka wada dheregsan yihiin in Cayaartoyd Soomaaliyeed ay aad ugu kalsoon yihiin ku ciyaarida Cimilada Kulul .
Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed  oo aan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan in Xulka Soomaaliya  ku Ciyaaro Itoobiya isagoo heli kara Jabuuti , waxay inta badan ka sinaayeen in arintaa ay  sabab  u yihiin Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ay weheliso Wasaarada Ciyaaraha waayo markii la sagootinayey Xulka Qaran masuuliyiintii Xiriirka iyo Wasaarada waxay ka mahad naqi waayeen Doorkii Xiriirka Kubada Jabuuti ku lahaa Gacan siintii  Qaranka Soomaaliyeed, Masuuliyiinta Wasaaraduna Xitaa  Xirirka ma  weydiin  Sababta  looga wareegsadey Jabuuti  oo abaal nagu leh, taasina waxay ku tusineysaa sida Wasaarada  aaney ula socon  sida Jarta loo degayo iyo Farsamooyinka la Ciyaarayo.
Isku soo Wada  duuboo  Bahda Ciyaaraha  ayaa   halkaan waxay Raaaligelin ugu dirayaan  Xiririka Kubada Cagta Jabuuti  sida  ay ula dhaqmeen Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo hilmaamey Abaalkii weynaa ay u sameyeen Xiriirada kala duwan ee  Soomaaliya ha noqoto Kubada Cagta, Koleyga, Laliska, Kubada Gacanta iyo Ciyaaraha Fudud, waxayna sheegeen in ay mar walba diyaar u yihin sii xoojinta Xiriirka Jabuuti iyo Bahda Ciyaaraha Soomaaliya, iyagoo sheegey in wixii aad u qabteen Bulshada soomaaliyeed  ay tahay mid aan ka  Go’i doonin Qaluubtooda,  waxayna Gacan bidxeynta kaga timid Xiriika Kubada Cagta Soomaaliya ku sheegeen  mid laga wada hadli doono oo aan la isaga hari doonin
NB :Sawirada halkaa ka muuqda waa sida loogu bahdiley Xulka Qaranka Soomaaliyeed Garoonka Adis –Ababa Sannadkii 2009-kii sidoo kale waxaa Sawirada ka muuqda Xulka oo Tababar ku qaadanaya Dalka Jabuuti  gaar ahaan Xero Kubada.









No comments:

Post a Comment

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh