www.tolmawaaye.blogspot.com

Blogger Themes

Tuesday, April 26, 2016

8 Dabeecadood Oo Lagu Garto Hogaamiyaha Xun




Calaamadaha lagu sooco hogaamiya xun. Waxaa la’ogaaday in Hogaamiyaha leh astaamahan uu san u qalmin Hogaaminta Shirkad, Dada, Mashruuc iwm. Sababta ugu weyn ee Hogaamiyahu waxa ay tahay kasbashada kalsoonida dad ka isaga la shaqeeya ama ka hooseeya. Aniga oo aan hadalka kusii dheeraan , waxa aan calaamadahan kusoo gaabinayaa sida soo socota.
1. NAXARIIS LA’AAN. Marka laga hadlayo Naxariista ma ahan in looga jeedo “BeerJileec aad ah” ee waxa ay tahay in qof ka hogaamiyaha ah uusan noqon xasid. Tusaale marka arrinta ama dhib jira lookeeno in uusan ka eegin arrinta dhankiisa oo kaliya, laakiin uu iska dhigi karo sida isaga oo dhib kaa ama arrintaa ay haysato oo kale isla markaana go’aan ka qaata.
2.    KA BAQA ISBADAL KAFulay aan karti lahayn. Isbadal ku waa wax laga cabsado maadaama ay qof ka u muuqanayso shaki iyo mugdi ama hubid la’aan in sida qorsha loo dajiyo uusan u hagaagin. Hogaamiya aan lahayn karti kuu sameeyo ISBADAL , waxa uu noqdaa haraa, waana laga tagaa.
3.    ISBADALI OG.
Hogaamiyaha guulaysta waa kan marka gorgortan uu galo uGu yaraan hela meeldhexe in la’iskugu yimaado ( win/win ). Xaalad labada dhinacba guulaystaan. Waa in uusan noqon mid si dhaqso leh u badala fikir kiisa iyo go’aan kiisa ama ka laabta qorsha hiisa marka figrado adag ama kale laga hor keeno.
4.    MADAXNIMADA JECEL OO FAAN BADANDad ka in badan ayaa aaminsan in qof ka madax-madax iska dhiga uu ku fiican yahay in uu madax noqdo, laakiin taa waa qalad. Hogaamiya saxda ahi ma ahan mid ku shaqeeya amar ku taaglayn iyo amaro adag ee uu bixiyo ee waa kan shaqaalahiisu ay jecel yihiin ee mar kasta xitaa hadii uusan joogin ay qabtaa shaqada laga doonayo. Kuwo jecel in ay la shaqeeyaan ama uu hogaamiyo.
5.    RAJO KU NOOL.
Waa in hogaamiyuhu uu yahay mid kalsooni ku qaba naftiisa , isla markaana go’aan qaadasho badan oo aan ku seexan oo kaliya rajo iyo yaa hawshaa inka leh iwm. Waan markasta uu yahay qof go’aan qaata iskana ilaaliya go’aan la’aan rajo ku nool ah.
6.    DAD KA SI QALDAN U FAHMA.
Qof aan kala soocin dad ka ee aan kala garan kan saaxiibka daacada u ah iyo shaqaalaha kale. Qof aan ogayn ama baran dabeecada dhabta ah ee dad ka la shaqaynaya ee si qaldan u fasirta ama u fahma dad ka.Aan soo dhawaysan dad ka isaga caawin lahaa.
7.    QOF AAN ISKU DHEELI TIRNAYN.
Nolosha bini’aadam ku waa in ay isku dheeli tiran tahay. Tusaale hadii Hogaamiyuhu leehaya qoys waa in uu isku dheeli tiro shaqadiisa iyo tan qoys kiisa. Hadii uu yahay tusaale mid shaqada uGu soo hormara uGu dambeeya waxaa dhici karto in uu u qaato in qof kasta isaga oo kale uu yahay, taanisa waa been. Hoogaamiyihu waa in qof kasta uu ula dhaqmo sida uu yahay qof kaas.
8.    XISHOOD LA’AAN.
Qof u dhaqma sida in uu wax kasta isagu samayn karo, oo uuna yahay qof ka samay kara waa uu qasaaraa sababta oo ah waxa uu ku mashquulayaa in uu qof  kasta shaqadiisa. Waxa uu noqonayaa hogaamiya wax kasta, taana waa qalad oo waxa ay keenaysaa in uusan horay u socon. Intaas waxa aan oran karaa in ay tahay tusaale balaaran oo ku filan in hogaamiyaha in uu iska ilaaliyo.
Q/W: MOhamed nour
sawiiro:




Si Aqri

JACAYL DHIIG MA LAGU QORAY- HEES QORAAL AH:




Jacayl dhiig ma lagu qoray-heeso- jaceyla
Jacayl dhiig ma lagu qoray
Weli dhuux ma loo shubay
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha
Dhabanada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen
Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen.
Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkiii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen
Ma ka dhabaqday xaajadu
Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic ma hiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen
Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.
Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen
Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen
Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa
Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay
Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen
Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen
Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn
Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan
Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood                         
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo
Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan
Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman


sawiiro: 







Si Aqri

WARBIXIN: Hooyoy la'aantaa, adduunyadu hubaashii habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen

Hooyoy la'aantaa, adduunyadu hubaashii
habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen
Dadku uma hayaameen, dayax heego joogoo
sida haad ma fuuleen, xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen, hubka laguma tuureen
cirka hirar ka muuqdoo, ruuxaad hagaysiyo
usha midaad u haysaa, hilin toosan waligii
ka habaabi mayee
hooyoy addoomuhu. halkay maanta joogaan
adigow horseedee. intaad hanad xambaartee
haaneedka siisee. horaaddada jaqsiisee
habtay baan xisaab iyo, tiro lagu helaynine
Marka aad nin hiil-loo, laga baqo hashiisaa
lama hure dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.
Marka aad nin hoo-loo, marti hagar ka galinoo
gurigiisa habaqluhu, isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo, hor ilaahay geystiyo
lama hure dhashaa baa, hooyoy lagu xusuustaa.
Marka aad nin himillada, hilin toosan mariyoo
hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo, la higsade dhashaa baa
hooyo lagu xusuustaa.
Marka aad nin hooggiyo, ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo, garta hubin yaqaannoo
xaqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiiggoo, dadka kala hagaajoo
kala hage dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.
Markaad hoobal caanoo, sacabka iyo heellada
labadadba hagaajoo, hindisaha farshaxanoo
hab-dhaca iyo luuqdiyo, rabbi hibo u siiyoo
hawraarta maansada, heensayn yaqaan iyo
hal-abuur dhashaa baa, hooyo lagu xasuustaa.
Dumar iyo haween baa, nolol lagu haweystaa
kuwa lagu hammiyayee, sida hawd caleen wayn
lagu wada hamuumee, ishu halacsanaysaa
hablahaaga weeyee
marka guur la haybshee, gabadh heego dheeroo
hoobaan la moodoo, karti iyo hub-qaadloo
quruxdana ka hodanoo, hirta laga aroosaa
hooyo lagu xusuustaa.
Hooyoy la,aantaa, higgaad lama barteenoo
hooyoy la,aantaa, hadal lama kareenoo
ruuxaanad habinoo, kolba aanad hees iyo
hoobey ku sabinoo, hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee
hooyoy taftaadaa, dugsi laga helaayoo
hooyoy dhabtaadaa, hurda lagu gam'aayoo
hooyoy dushaadaa, nabad lagu helaayoo
waxa lagu halmaalaa, hooyo ababintaadee
hayin lagu badhaadhaay, hogol lagu qaboobaay
gogol lama huraaney
intad hooyoy nooshahay, hanbalyo iyo slaan baan
hanti kaaga dhigayaa
hamrashiyo xaqdhowr baan, dusha kaa huwinayaa
hooyoy dhimashadaaduna, hooggayga weeyoo
hiyigiyo laabtaan, kugu haynayaayoo
weligey hoggaagaan, ka dul heesayaa oo
hengel baan u xidhayaa, inta haadka duushiyo
idil habar dugaaggee, ifka hibo ku noolow
aakhiro halkii roon



Si Aqri

Monday, April 25, 2016

Ficillo Iyo Caadooyin Qofka Ku Reeba Daal Iyo Tabar-Darro Sababna wax ka ogaawo 13 Dabeecadood

Hurdo yaraantu ma’aha sababta keliya ee jidhka tamarta ka qaadda, daal iyo burbur joogto ahna maalintii ku reebta, balse waxaa jira ficillo si fudud isaga yimaadda iyo kuwo muhiim ah oo aynu dayacno oo sabab u noqda daal jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhibaato innagu keeno,  qormadan  waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dabeecadaas.
1. Jimicsi la’aanta Iska jir: In jimicsiga aad dib u dhigto ama ka warwareegto adiga oo is leh jidhka tamarta ha ka wada dhamayn ayaa ah arrin aan caafimaad ahaan qofka u fiicnayn. Cilmibaadhis ay samaysay jaamaadda Georgia ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in jimicsi fudud oo uu qofku sameeyo saddex jeer toddobaad kasta, isaga oo ku bilaabaya 20 daqiiqo oo keliya, isla markaana aan dan ka gelyan daalka naftu tirsanayso, ayaa jidhka ka dhiga mid firfircoon, 6 toddobaad gudahoodna lagu dareemo waxtarkiisa dhinaca miisaanka, caafimaadka guud, iyo firfircoonida jidhka iyo maskaxda uu geliyo.
Ku darso oo jimicsigu waxa uu xoojiyaa awoodda dul-qaadasho ee wadnaha, waxa uu wanaajiyaa habsami u shaqaynta wadnaha iyo xididdada dhiigga qaada, sidaa awgeed ha isu dhiibin caajiska, xitaa maalinta shaqo badani kugu dhacdo, ha joojin jimicsiga.
2. Biyo kugu filan cab: Haddii biyaha jidhku hoos u dhacaan, xitaa in yar oo aan ka badnayn boqolkiiba 2, waxa ay saamayn taban ku yeelataa heerka tamarta jidhka. Emmy Goodson oo ah khabiir ka tirsan jaamacadda Texas oo ku xeeldheer nafaqaynta ayaa sheegtay jidhka oo biyuhu ka qallalaan in ay keento in uu cuslaado dhiiggu, taasina ay keento in wareeggu ku adkaado, wadnuhuna awoodi waayo in uu si fiican u tuuro, arrintaas oo hor istaagaysa in neefta Ogsajiinta iyo maaddooyinka kale ee nafaqada ahi ay si fiican u wada gaadhi waayaan muruqyada dhammaan hab-dhisyada jidhka ee kala duwan.

3. Jidhkaagu ha helo Xadiid ku filan: Xadiidka oo yaraadaa waxa ay qofka ku keentaa taag-daro badan iyo wacsi, waxa ay ku abuurtaa dabeecad xumo iyo duqlaad yaraan, iyo in uu lumiyo awoodda u fiirsiga, sidaa awgeed qofku waa in uu helaa xaddi ku filan oo ah maadadda xadiidka, iskana ilaaliyo dhiig la’aanta, oo sababta in ogsajiintu ay gaadhi weydo muruqyada iyo unugyada.
Meelaha xadiidka laga helo waxaa ka mid ah hilibka xoolaha, Faasuuliyaha, beedka, khudadda caleenta ah sida salladhka, iyo sidoo kale cuntooyinka hodanka ku ah Faytamiin C oo jidhka awood u siiya in uu cuntada kala bixi karo xadiidka ku jia.
4. Sarayn doonis joogto ah: In qofku dadaalo si uu meel sare u gaadhaa waa arrin u fiican firfircoonida iyo in uu daal la’aan ku shaqeeyo, waana mid ka mid ah kaabadaha guusha loo fuulo. Laakiin in qofku uu mar kasta daba ordo sarrayn iyo dhamaystirnaan, waxa ay ka mid tahay arimaha qofka majaro habaabiya kuna kallifa in uu samaysto hiigsiyo aan waaqac ahayn ama rumayntoodu suurtogal u noqonayn, marka uu hadhow gaadhi waayana waxa ay ku keenaysaa niyadjab iy naftiisa oo uu ka aalli noqon waayo.
Dr. Irene Levine oo bare-sare oo dhigta caafimaadka nafsiga ah ka ah kuliyadda xuquuqda ee jaamacadda New York ayaa mar ay arrintan ka hadashay waxa ay ku talisay in qofku uu samaysto waqti go’an ooo uu hawl kasta oo uu u gacan qaado ku dhammaystirayo, laakiin haddana uu ka taxaddaro in uu nafta culays aanay qaadi karayn iyo diiqad ku abuuro.
5. Isku weynaanta arimaha iyo dhinaca xun ka eegistooda: Haddii aad ka mid tahay dadka mar kasta fisha xaalad ka xun xaaladda ay markaas ku jiraan, duruufaha iyo arimahana isku weyneeya, tusaale ahaan keliya in maamulaha shaqadu kuugu yeedho kulan degdeg ah ama aan sii qorshaysnayn oo aad ka filato in dhibaato jiirto ama shaqada lagaa eryayo, waxa aad naftaada ku abuuraysaa sakati, warwar, warwar iyo daal maskaxda ah oo joogto ah.
Mar kale ayaana ay Dr. Irene Levine kugula talinaysaa in marka arrin aanad filaynin kaa hor timaaddo aad neef fog qaadato, male fiican iyo niyadsamaanna ku qaabisho, waxa aanay hoosta ka xariiqday in hawada furan, u fiirsiga, iyo saaxiibkaa oo aad la wadaagto hadba cabsida aad qabtaa ay kaa caawinayaan in arimaha kaa hor yimaadda aad ku qaabisho wejiga ugu fiican uguna macquulsan.
6. Ha dhayalsan quraacda: Cuntadu waa shidaalka jidhka, quaacduna waa ta ugu muhiimsan, waayo waxa ay kaalin wax ku ool ah ka qaadataa ilaalinta in aanay hoos u dhicin heerka ogsajiinta ee uu dhiiggu u baahan yahay. Quraacdu waxa ay ka qayb qaadataa shaqada dheefshiidka oo lagama maarmaan u ah jidhka, lana aaminsan yahay in qadoodigii dheeraa ee cashada kadib oo hab-dhiskani aanu shaqayn saacado badan, ay quraacdu u tahay baraarujin.
Khubaada nafaqaduna waxa ay ku talinayaan in quraacdu ay noqoto midho iyo barootiinno ka madhan dufan, sida Boorashka, ama shaaabbada dabiiciga ah, caanaha dufanku ku yar yahay, beedka iyo roodhi/laxoon ka samaysan roodhi iwm.

7. Ha badsan cuntooyinka fudud: Cuntooyinka fudud sida Saanwiijka, beergarrada iwm waxaa ku badan macaanka iyo Kaarboo-haydarayt ka (Carbohydrate), sidaa awgeed waxa ay si degdeg ah kor ugu qaadaan macaanka dhiigga, arrintaas oo qofka ku keenta burbur iyo daal nafsi ah.
Emmy Goodson waxa ay sheegaysaa muhiimadda ay leedahay in qofku uu ilaaliyo heerka saxda ah ee macaanka dhiigga, si uu u ilaaliyana uu u baahan yahay Barootiinno iyo cuntada waddaniga aynu u naqaanno  in ay ka mid noqdaan cuntooyinkiisa.
8. Diidmada oo uu qofku awoodi waayo: In dadka oo dhami kaa raalli noqdaan waa habeen xalay tegey, weligaana ha isku dayin in qof aad ku raalli geliso wax naftaada gef ama meel ka dhac ku ah, sidaas waxaa ku talinaysa Drs. Suusaan Albers oo bare-sare oo ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah kana tirsan xarunta Cleveland Clinic ee dalka Maraykanka, iyada oo intaas ku dartay in ay lagama maarmaan tahay in qofku uu naftiisa ku tababaro in ay diidi karto waxa aanay doonayn ama u baahnayn, waayo waxa ay taasi u fiican tahay caafimaadka nafsiga ah iyo jidheed labadaba.
Waa run in diidmadu kala laddifan tahay, kalana ilbaxnimo badan tahay, oo ay tahay in qofku hannaanka uu u wax u diidayaa noqdo mid aan xumaan reebayn, waxase hubaal ah in qofka oo diidmada iska ilaaliya ay ku imanayso in uu qabto hawlo iyo shaqooyin aanu niyad u haynin taasina culays nafsiga ah oo badan ku keento.

9. Isku dhex-daadsanaan: Waxaa muhiim ah in qofku uu maalin kasta xafiiskiisa ka dhigo mid kala habaysan oo shay kastaa uu yaallo halkiisa saxdaah, sidoo kale qofku waa in uu iska ilaaliyo fawdada dhinaca ballamaha ah, oo uu yeesho jadwal ballamaha iyo shaqooyinkaba uu ku kala muddaysto. Haddii kale waxaa qofka ku dhacaysa fawdo xakame ku noqota kartidiisa, iyo awoodda uu u leeyahay in arrinta uu hadba wado uu waqti iyo fikirka u baahan geliyo maskaxdiisa oo dhanna u furo, fawdadu waxa ay xakamaysaa awoodda maskaxdu u leedahay in ay arrimaha hor yaalla xal u radio. Waxaana sidaas marag u ah natiijada cilmi baadhis ay samaysay jaamacadda Princeton ee dalka Maryakanka.
10. Maalmaha fasaxa oo la shaqeeyo: In qofku maalmaha fasaxa ee naftu raaxda iyo nashada u diyaar-garowday shaqo qabtaa waxa ay sababtaa in maalmaha shaqada uu daal iyo tacab badani ka muuqdo. Shaqada maalmaha fasaxa, xitaa hadday tahay E-mail la furo, waxa ay qofka ku keentaa daal maskaxda ah, sidaa awgeed khubaradu waxa ay ku talinayaan in maalmaha fasaxa uu qofku ka fogaado wax kata oo si uun shaqadii u xasuusinaya. Haddii uu sidaas yeelo waxaa dib u firfircooni qaadanaya jidhkiisa iyo maskaxdiisa, waxa aanu shaqada ku soo noqonayaa isaga oo xiisaynaya.
11. Hurdada ka hor iska jir furista farriimaha E-mailka iyo guud ahaan Internet ka: Baadhista iyo ku mashquulista talefanka casriga ah, ama aaladaha ay ka mid yihiin Tablet iyo IPad waxaa ka dhasha in ilayska ka soo baxayaa uu qofka ka kaxeeyo hurdada. Sababtuna waa ilayska ka soo baxaya oo la mid ah nooca ilays ee qorraxdu maalintii soo deyso, taasina waxa ay keenaysaa in ay khalkhal gajo saacadda Rabbaaniga ah ee maskaxda qofka u sheegaysa waqtiga ay tahay in ay habeen noqotay oo ay seexato iyo maalinnimada. Marka aynu si cilmi ah ku nidhaahno ilayska shaashadda talefannada casriga ah ka soo baxaa waxa uu burburiyaa hormoonka Melatonin oo ah hormoonka kala nidaamiya waqtiga seexashada iyo hurdado ka toosidda ee qofka.
12. Caffeine ha ka dhigan waxa keliya ee aad firfircoonida ka hesho: Khubarada caafimaadku wax dhibaato ah kuma ay sheegin haddii uu qofku maalinti icabbo koob ama laba bun ah, waa haddii aanay jirin xaalad caafimaad oo u diidaysaa. Laakiin haddii qofku si qaldan u isticmaalo bunka iyo guud ahaan cabbitaannada maadadda Caffeine leh, waxa ay saamayn khatar ah ku yeelataa hurdada iyo soo toosidda qofka.
Cilmibaadhis ay baahisay majaladda Journal of Clinical Sleep Medicine ayaa daahfurtay in haddii lix saac iyo ka yar ay u dhexeyso waqtiga isticmaalka Caffeine ta iyo waqtigada hurdada ay saamayn xun ku yeelato tayada hurdada uu qofku seexanayo, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku ka taxaddaro in cabbitaanka bunka iyo guud ahaan cabbitaannada caffeine ta leh ay duhurka kadib dhawr saac la dhaafto.
13. Cawayska badan ee toddobaadka aakhirkiisa: Dad badan ayaa ay caado u tahay in maalmaha fasaxa dugsiyada iyo shaqada ee toddobaadka aakhirkiisa ay habeenkii si aad ah u caweeyaan, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay sheegayaan in arrintani ay saamayn taban ku yeelato bilowga toddobaadka dambe ee ay tahay in shaqada iyo hawlaha kale goor hore loo kaco. Sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in maalmaha fasaxa la seexdo waqti la mid ah ama ku dhow waqtiga la seexan jiray maalmihii shaqada. Sidoo kalana lagu dadaalo in duhurka kadib nasasho ugu yaraan 20 daqiiqo ah la qaato. Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in hurdada lafteeda oo aad loo badsado ayaamaha fasaxu ay qofka daal iyo burbur uu ka shaqaysan kari waayo ku keento maalmaha shaqada ee ka dambeeya fasaxa.
sawiiro:



Si Aqri

WAR DEG DEG: Daacish oo sheegatay weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fuliso Somalia war xiiso leh



Kooxda Daacish ayaa war ay soo saartay oo ku qornaa luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga waxa ay ku sheegtay iney weerar la eegten Ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Tareedishe ee duleedka Muqdisho.
Warka Daacish waxa lagu sheegay in kooxda ay burburisay gaari ay waten Ciidamada AMISOM.



Si Aqri

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Qaxooti loo qaaday mid ka mid ah Wadamada Caalamka




Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta Garoonka diyaaradaha ee magaalad cape town ee dalka koonfur Africa ka dhoofisay in kabadan 20 qoys oo Soomaali ah ku waa oo ku sii jeeda waddanka Mareykanka.
Dadkan loo dhoofiyay dalka Mareykanka ayaa isugu jiro dhalinyaro haween iyo waliba qoysas wata caruur ku dhalatay Dalkan koonfur Africa.
Macalin Ibrahim oo ka mid ahaa dadka baxayay ayaa tibaaxay in uu dhibaatooyin kala duwan la kulmay mudadii uu ku Noolaay wadanka koofur Afrika.
South Sfrica dadkeedu waa na dhibeen waxayna ii geysteen dhac iyo jir dil dhowr jeer ilaahayna maanta waxaw ii qadiray inaan inigoo nabdoon aan ka baxo” ayuu yiri Macalin Ibraahin.
Qaxootigan Soomaalida ee loo qaaday Dalka Maraykanka ayaa waxa ay qeb ka noqonayaan qaxooti fara badan oo horay loo geeyay dalka maraykanka.\

http://tolmawaaye.blogspot.com






Si Aqri

Somalia Oo La Shaaciyay Kaalinta Ay Musuq Maasuqa Caalamka Kaga Jirto

 


Muqdisho(INO)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa kaalinta koowaad ka gashay Dowladaha caalamka ee lagu sifeeyay qaadashada Maamul-xumidda iyo Musuqa-maasuqa.

Verisk Maplecroft oo ah Hay’ad ku shaqeysa Hanaanka dabagalka Dowladaha Caalamka ee ku shaqeeya isdaba-marinta, ayaa sheegtay in Dowlada Somalia ay marba marka xigta kasii liidaneyso heerka ay ka gaarsiisan tahay Musuqa-maasuqa
Hay’adda ayaa sheegtay in Musuq-maasuqa uu ka awood badan yahay Cudurada dilaaga ah.
Hay’ada Verisk Maplecroft ayaa warbixintaani ku sheegtay Warbixinta Sannadlaha, taasi oo lagu soo bandhigay 10-ka Dowladooda ee figta sare ka galay Musuqa-maasuqa  Caalamka oo ay Somalia kaalinta koowaad kaga jirto.
Verisk Maplecroft waxay sheegtay inay raad-raacyo soo taxnaa bishii August ee sannadkii 2012-kii ilaa Augsut 2015-kii ku ogaaden inay Dowladaha caalamka ku kala heer duwan yihiin Laaluushka iyo Musuqa.
Sidoo kale, Hay’ada ayaa sheegtay in warbixintaasi ay la wadaagtay Khubaro badan iyo Wargeysyadda Wall Journal Street ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo lagu qoray in 80% Lacagaha soo gala Bangiga Dhexe ee Somalia yihiin kuwo jeebka lagu shubto, loona adeegsado Dano Shaqsiyadeed, waa sida uu Wargeyska WSJ daabacay.
Dhanka kale, daraasadaani ayaa imaaneysa iyadoo inta badan Dowladaha Caalamka ay ku howlan yihiin sidii ay uga gudbi lahaayen qaadashada dhaqanka Musuq-maasuqa halka Dowlada Soomaaliya ee kusii dhiiraneyso.
sawiiro:

Si Aqri

Saturday, April 23, 2016

Ciyaaro adag oo loo baajiyay Arrimo la xiriira Amniga dartiisa



Waxaa Xalay la baajiyay Kulamadii Saxiibtinimo ee dhex mari lahaa Dalalka Belguim, Spain, Germany iyo Holland.
Labada Ciyaar waxa loo baajiyay sababa la xirirka Ammaanka Garoonka ay ku Ciyaari lahaayeen.
Dalalka Germany iyo Holland oo ku Ciyaari lahaa Garoon ku yaala Magaalada lagu magacaabo Hannover waxaa ku hareereysan hadda Ciidamada Booliska ee Dalkaasi Germany kuwaa oo wata qoryaha u dhaca Darandooriga,
Halka kulankii dhex Mari lahaa Belgium iyo Spain sidoo kale la baajiyay Arrimo la Xiriira Ammniga kadib Afar Maalin ka hor markii dalka Fransiiska ay ka dhaceen Weeraro kala duwan oo ay Naftooda ku waayen ku dhowaad 130 qofood oo Laba ka mid ah ay ku geeriyooden Weerar lagu qaaday Garoonka xulka Qaranka Fransiiska oo kulan kula lahaa Xulka Qaranka jarmalka.


SAWIIRO: 





Si Aqri

Madaxweenaha jubbland: Axmed Madoobe oo ka Xanaaqay Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed

Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maalintii shalay ka qeyb shirka looga hadlayay hiigsiga sanadka 2016, ayaa wuxuu kaga soo horjeestay maalintii shalay in TV-ga Qaranka Soomaaliya goobjoog ka ahaado shirka Muqdisho ka dhacayay.
Axmed Madoobe, ayaa diiday muddo daqiiqado  in TV-ga qaranka uu goobjoog ka ahaado shirka, laakiin markii dambe waxaa arimahaasi ka qanciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.
Waxyaabaha uu Axmed Madoobe ku diidanaa Tv-ga qaranka Sooomaaliya ayaa lagu sheegay iney aheyd in baahinta war lidi ku ahaa maamulka Jubbaland, sida xogta aan ku helnay.
Ugu dambeyn ayaa waxaa loo yeeray agaaasimaha TV-ga Qaranka Soomaaliya Al-cadaala waxaana laga qanciyay Axmed Madoobe tabashadii uu qabay.
Shirka ayaa maalintii shalay lagu balansanaa inuu ka furmo Muqdisho 09:00 am laakiin wuxuu furmay seddex saac kadib waqtigii la balansanaa, iyadoo lagu mashquulay qancinta Axmed Madoobe.

Si Aqri

Xiriirka Kubada Cagta ee somaliyeed oo laku bahdiile dalka Jabuuti







Soomaalidu waxay Tiraahdaa “Abaal ninkii galaa in loo gudaa Gar weeye” mid kale waxay ahayd “Abaal Waa  la galaa Balse Cid  Gudaa Way yar tahay”  waxaan Arintaa ku keeney Ka dib markii Xulka Qaran Soomaaliya oo isu Diyaarinayo Isreeb Reebka  Koobka Dunida uu dhawaan u dhoofey Dalka Itoobiya halkaasuu  Lugta hore kula Ciyaari dooaa Wadanka Niger, waxayna Ciyaartaan Dhaceysa   9-ka Oktobar  ee Fooda naga hayso iyadoo inta ka horeysa Xulka uu ku Tababar qaadanayo Magaalada Adis-Ababa.
Bulshada Soomaalieed  gaar ahaan Bahda Isboortiga ayaa is weydinaya  Sababta keentey in Xulka Soomaaliya uu ku Ciyaaro Dalka Itoobiya iyadoo laga Wada Dheregsan yahay in 24-kii Sano ee la soo dhaafey Xulka Soomaaliya  iyo Kooxahuba ay ku ciyaarayeen  Dalka Jabuuti  oo Guri u ahaa halkaas oo si aad ah looga soo dhaweyn jirey maadaama Soomaaliya Garoomadeeda iyo Xaalada Nabadgelyo aaney Wanaagsaneyn.
“ Aad baan uga xumahay in Xulka Qaranka Somaaliya uu Xiligaan ku ciyaaro Dalka Itoobiya isamarkaana uu tababar ku qaato  Magaalada Adis –Ababaa, waxaana arrintaa sababteeda  leh Hogaanka Xiriirka Kubada Cagta  Soomaaliya oo dhabarka u jeediya Walaalaheen Reer Jabuuti oo aan ogahay in muddo dheer ay Taageero la Daba taagnaayeen Ciyaartoyda Soomaaliyeed hadii ay noqon lahayd  Jiif, Cunto, iyo meel ay ku tababartaan” sidaa waxaa ku Cataabey nin ka mid ah Bahda Isboortiga oo aad uga gubtey sida loola dhaqmey XIriirka dalka Jabuuti waa uu si Hadley  oo waxaa uu yiri .
“Waxaan Xulka u raacay Dalka Jabuuti si ay halkaa ugu ciyaaraan isamarkaana ugu Tababartaan, waxaa na loo baneeyey meel la yiraahdo  Xero Kubad, waxaa isa Saaran Garoonka iyo Halka la jiifsado, waxaana aan Xasuustaa in Xeradaas ay Xiligaa ku tababar qaadanayeen Xulka Jabuuti, waxaa Farxad igu abuurtey  sida Niyad samida ah ee Xiriirka kubada Cagta noogu baneeyeen Xero Kubad, Waxaase Xusid Mudan in dadka reer Jabuuti ay nala qaybsanayeen Guul iyo Guuldaro”.
Xubin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta oo diidey in Magaciisa la xigto ayaan wax ka weydiiyey sababta   Waqtigaan dhabarka loogu jeediyey Reer Jabuuti,  waxaana uu  yiri “Markii Koox ama Xul uu marti kuu yahay waxaa waajib ah  in aad bixiso Kharashka  ha noqdo Jiif,  Raashin iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin Cida martida kuu ah, Dalka jabuuti  marar badan  ayaan gurigooda ku ciyaarney wax Kharash ah oo la bixiyey ma jiro, waxaa Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku uruurey Lacago badan oo Dayn ahaan uu u Bixiyey  Xiriirka Jabuuti oo la rabey in Xiriirka Soomaaliyeed u bixiyo madaama Lacagtaas ay FIFA soo dhiibi doonto  sidaa Darteed  waxaa mar kale la rabaa in lagu beer Laxowsado Itoobiya oo in badan hadana lagu moodo ”
Anigoo ah Amiin Yuusuf Khasaaro Sannadkii 2009 mar aan Xulka Qaranka aan u kaxeeyey Dalka Suudaan  ayaa waxaa ku sii hakaney Dalka Jabuuti maadaama ay ahayd Gurigeenii labaad, waxaa halkaa ku qaadaney Muddo Todobaad ah tababar waxaana mar waliba na soo booqanayey Dadka reer jabuuti oo ku faraxsanaa Imaanshaheena, qaarkood waxay Ciyaartoyda Soomaaliyeed u keeneen  Hadiyado, waxay mar waliba jaclaayeen in aan iska joogno   Jabuuti, maalinkii aan ka tageyney  Hooyo reer Jabuuti ay ah ayaa ka timid Ilin, waayo waxay ka xumeyd in aan ku ciyaarno Suudaan, waxaan markii dambe u sheegey in Suudaan aan uga qayb galeyno Tartamo Ciyaareed, waxan ugu laab qaboojiyey in aan ku soo laabaneyno Dalka Jabuuti .
Markaan ka soo laabaney Suudaan ayaa waxaan Safarkeenii Ku hakanay Magalada Adisb Ababa, waxaan  weli Qaluubteyda ka Go’i weydey in Mudo Dhowr maalmood aan ku xayirnayn  Magaalada Adis –Ababa, Xitaa Xiririka maanta jira  mar aan la soo hadalney waxay nagu yiraahdeen  Isdabara, waxaa Sawirada  kaaga muuqda Ciyaartooyda Soomaaliyeed sida  loogu dhibaateeyey Garoonka Adis –Ababa marka  waa wax lala yaabo in maanta la yiraahdo Xulka  Qaranku  wuxuu ku ciyaarayaa Dalka Itoobiya oo   aan ogahay in Cimiladiisu ay aad u qabowdahay Madaama dadka Soomaaliyeed ka wada dheregsan yihiin in Cayaartoyd Soomaaliyeed ay aad ugu kalsoon yihiin ku ciyaarida Cimilada Kulul .
Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed  oo aan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan in Xulka Soomaaliya  ku Ciyaaro Itoobiya isagoo heli kara Jabuuti , waxay inta badan ka sinaayeen in arintaa ay  sabab  u yihiin Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ay weheliso Wasaarada Ciyaaraha waayo markii la sagootinayey Xulka Qaran masuuliyiintii Xiriirka iyo Wasaarada waxay ka mahad naqi waayeen Doorkii Xiriirka Kubada Jabuuti ku lahaa Gacan siintii  Qaranka Soomaaliyeed, Masuuliyiinta Wasaaraduna Xitaa  Xirirka ma  weydiin  Sababta  looga wareegsadey Jabuuti  oo abaal nagu leh, taasina waxay ku tusineysaa sida Wasaarada  aaney ula socon  sida Jarta loo degayo iyo Farsamooyinka la Ciyaarayo.
Isku soo Wada  duuboo  Bahda Ciyaaraha  ayaa   halkaan waxay Raaaligelin ugu dirayaan  Xiririka Kubada Cagta Jabuuti  sida  ay ula dhaqmeen Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo hilmaamey Abaalkii weynaa ay u sameyeen Xiriirada kala duwan ee  Soomaaliya ha noqoto Kubada Cagta, Koleyga, Laliska, Kubada Gacanta iyo Ciyaaraha Fudud, waxayna sheegeen in ay mar walba diyaar u yihin sii xoojinta Xiriirka Jabuuti iyo Bahda Ciyaaraha Soomaaliya, iyagoo sheegey in wixii aad u qabteen Bulshada soomaaliyeed  ay tahay mid aan ka  Go’i doonin Qaluubtooda,  waxayna Gacan bidxeynta kaga timid Xiriika Kubada Cagta Soomaaliya ku sheegeen  mid laga wada hadli doono oo aan la isaga hari doonin
NB :Sawirada halkaa ka muuqda waa sida loogu bahdiley Xulka Qaranka Soomaaliyeed Garoonka Adis –Ababa Sannadkii 2009-kii sidoo kale waxaa Sawirada ka muuqda Xulka oo Tababar ku qaadanaya Dalka Jabuuti  gaar ahaan Xero Kubada.







Si Aqri

About Me

Popular Posts

By 2016 www.Tolmawaaye.com Copyright © waa il warred laku kal sonyaha oo saal iyo raad leh